WAJAALE NEWS

Liverpool Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhaqaaqday Saxiixa Radamel Falcao.

HARGEISA(Wajaalenews); Kooxda Liverpool ee ka dhisan dalka England ayaa doonaysa weeraryahanka u ciyaara naadiga Monaco ee dalka France una dhashay dalka Colombia ee Radamel Falcao. Liverpool ayaa markii uu ka tagay weerar yahankoodii suarez oo ahaa lafdhabarkii kooxda ayey go’aansadeen in ay u dhaqaaqaan dhinacaa iyo falcao iyagoo doonaya in ay ka soo kabtaan hoos u dhicii ku yimid kooxda. Weeraryahan heersare ah waana Radamel Falcao oo u ciyaara kooxda Monaco oo ay Da’diisu tahay 28 jir ayaa seegay ciyaarihii koobka Adduunka sababo dhaawac waxaana lagu wadaa inuu ka tago kooxda France ka dhisan ee monaco. Manchester City

 

ayaa dooneysa iney la wareegto Falcao,iyadoo ay jirto in Liverpool iney kula tartameyso saxiixiisa kooxda Premier league ay ku wada tartamayaan. Laakiin Joornaalistaha Italia Mina Rzouki ayaa Twitterkiisa ku cadeeyay in Liverpool ay ka go’antahay iney la soo wareegto weeraryahanka heerka sare ah laakiin City ayey tartan kala kulmi doontaa ayuu yiri. Falcao ayaa dhaliyay 41 gool 51 kulan uu saftay Porto halka Monaco uu u dhaliyay sagaal gool 17 kulan uu u saftay

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

DIYAARIYE MAXAMED CALI MATAAN

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version