WAJAALE NEWS

Dawladda Jabuuti oo si qarsoodi ah ugu soo celisay Somaliland Maxaabiistii ay qaadatay oo la Jidh-dilay

Hargeysa (Wajaalenews) Dawladda Jabuuti ayaa 2/08/2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor intii aanay Qaraxa ka fulin Dalkooda.
Ilo wareed Muhiim ah oo  FARIIN NEWS.COM ka soo xigatay warkan ayaa sheegaya in Lixda Maxbuus ee la soo celiyey si arxandaro ah loo jidh dilay isla markaana ay qabaan dhaawacyo halis ah oo qaarkood Naafeeyey, kuwo kalena Xiska(Maskaxda) ka Dilay.
Halka mid ah mid ah Maxaabiistaas ay Jabuuti iyo Somailand isku gudbiyeen uu u Geeriyooday Jid Dilkii lagu sameeyey dartii, kaasoo Ishawarkan aanu ka helnay sheegtay in uu yahay wiilkii ka shaqayn jiray Xawaaladda JUBBA

 

 

 

 

 

 

 

Photo File: Muuqaalka Sawir Naxdin Leh Oo si Qarsoodi Ah looga Soo qaaday Ciidammada Djibouti Oo Waraysi Jidh-dil Korontaysan Huwan La yeelanaya Muwaadiniintii ay Somaliland U Gacan Gelisay Dalkaas….Xuquuqda Sawirka Waxaanu Kasoo Xiganay Halbeegnews.net
Warkan ayaa daboolka ka qaadaya in laba ka mid ah Lugaha iyo Gacmo isweydaar ahi bakhtiyeen ama go’eenba, halka mid ka mid ah uu waashay, balse laba ka mid ah aan illaa hada la ogayn khasaaraha jidheed iyo Maskaxeed ee soo gaadhay mid toona.
Warkan Farriin ay heshay waxa uu sheegayaa in laba gaadhi oo ka mid ah kuwa Sirdoonka Jabuuti maxaabiistan lagu soo celiyey Somaliland lagaga soo talaabiyey magaaladda Lawyacado, isla markaana la soo lugaysiiyey, halka markii Dawladda Jabuuti qaadanaysay diyaarad khaas ah lagaga qaaday madaarka Hargeysa.
Ilo wareedka warkan aanu ka helnay waxa uu sheegaya in Lixda Maxbuus markii Somaliland lagu soo wareejiyey mid kasta si gaar ah loogu xidhay xabsiyada Goboladda Dalka si aan loo ogaan soo celintooda iyo dhibaatada ay qabaan ee ka soo gaadhay Jidh Dilkii lagu sameeyey.
Xukuumadda Somaliland iyo ta Jabuuti toona wali kamay hadal soo celinta dadkan la Jidh Dilay ee aan illaa hada sharciga la horgeynin, hase yeeshee wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa hore u sheegay in Dawladda Jabuuti soo celinayso marka ay baadho.
Wasiiro, Saraakiisha Sirdoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ayaa Jabuuti u socdaalay maalmo kadib markii maxaabiistan ay Jabuuti qaadatay, hase yeeshee illaa hada lama oga socdaalkoodaasi in uu qayb ka ahaa baadhitaanka ay labada Dawladood sheegeen in ay si wadajir ah ugu samaynayaan dadka loo hayo qaraxii ka dhacay Jabuuti iyo In ay u xalaalaynayeen Dacwadda loo haysto oo aan Hay’adaha Garsoorka Somaliland soo marin.

Eheladda Maxaabiistan la soo celiyey ayaa canbaarayn xoogan oo la xidhiidha xadhigooda ujeediyey Dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, waxaanay ku eedeeyeen inay sharciga Dalka u yaala baal mareen, hase yeeshee Somaliland wax jawaan ah kamay bixin Eedayntooda, waxaanay xilligaas dalbadeen in dib dalka loogu soo celiyo oo Cadaaladda la mariyo.
Warkan ayaa haddii uu jiro ah mid Xukuumadda Somaliland Canbaar ku ah, isla markaana noqonaya Taariikhda markii koowaad ee Dad ay Somaliland Jabuuti u dhiibto la soo gaadhsiiyo waxyeelo bini’aadnimo oo noqonaysa tii ugu xumayd Abid.

XIGASHO FARIIN NEWS.COM

Exit mobile version