|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Jabuuti oo si qarsoodi ah ugu soo celisay Somaliland Maxaabiistii ay qaadatay oo la Jidh-dilay
August 6, 2014 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) Dawladda Jabuuti ayaa 2/08/2014 si Qarsoodi ah ugu soo celisay Lix qof oo ka mid ah Toddobadii qof ee ay Xukuumadda Somaliland u dhiibtay, kadib markii Dawladda Jabuuti ku Eedaysay inay xuduudkeeda uga soo talaabeen ka hor intii aanay Qaraxa ka fulin Dalkooda.
Photo File: Muuqaalka Sawir Naxdin Leh Oo si Qarsoodi Ah looga Soo qaaday Ciidammada Djibouti Oo Waraysi Jidh-dil Korontaysan Huwan La yeelanaya Muwaadiniintii ay Somaliland U Gacan Gelisay Dalkaas….Xuquuqda Sawirka Waxaanu Kasoo Xiganay Halbeegnews.net Eheladda Maxaabiistan la soo celiyey ayaa canbaarayn xoogan oo la xidhiidha xadhigooda ujeediyey Dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, waxaanay ku eedeeyeen inay sharciga Dalka u yaala baal mareen, hase yeeshee Somaliland wax jawaan ah kamay bixin Eedayntooda, waxaanay xilligaas dalbadeen in dib dalka loogu soo celiyo oo Cadaaladda la mariyo. XIGASHO FARIIN NEWS.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|