WAJAALE NEWS

Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Balli Diiriye Iyo Taliyihii Milatariga Togdheer Oo Ku Dhaawacmay

Burco(Wajaalenews) Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi ,Dagaal ayaa Saaka ka qarxay Tuuladda Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco oo ay isku hayeen beelaha Axmed Faarax Habarjeclo iyo Beesha kale ee Cabdale Arab.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu qarxay ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamo Xukuumadu gaysay ,halkaasi oo doonaayay in ay aasaan Baraako ku yaala Tuuladaasi Diiriye Guuleed iyo Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha Cabdale Arab oo Tuuladaasi dhismaheeda iska leh ,isla markaana diiday in Baraagahooda la aaso, dhismayaashoodana la dumiyo.

Dagaalkan ayaa sida warar xogogaala noo Sheegay waxa ku dhaawacmay ugu yaraan Afar Qof oo ka soo kala jeeda Ciidamaddan oo Milatary iyo boolis iskugu jira iyo Maleeshiyadan ,kuwaasi oo qaar ka mid ah dhaawacooda Cusbitaalka Burco loo soo qaaday.

Dagaalkan ayaa hada xaaladuhu degen yihiin iyadoo uu ku dhaawacmay Taliyihii Ciidanka Milatariga Gobolka Togdheer Mr Kayd oo la sheegay in uu halkaasi ku sugnaa.

Geesta kale Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo ayaa xiisadan deegaankan ka dhacday Cirka ku shareeray ka dib markii ay ka soo saareen Go’aamo Dhinac ka raran ,oo ay Beesha Cabdale arabna Dhismayaashooda ku duminayaan ,beelsha Wasiir Xirsi ee Axmed Faarax-na ku taageerayaan.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa deegaankaasi gaysay Ciidamo xoogan oo Tuuladaasi cagta mariya isla markaana awood dawaleed adeegsanaaya.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version