BUULE BURDE(Wajaalenews);Degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo go’doominta ay degmadaas ay ku hayaan xoogaga Al-shabaab tan iyo markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay la wareegeen.
Shacab fara badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka degmadaas iyagoo si weyn uga cabanaya xayiraada degmadaas saaran dhowr bilood.
Qiimaha la kala siisto cunada daruuriga ah ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey degmadaas, iyadoo kiilowga bariiska ah uu marayo 100kun Sh.so oo u dhiganta $5, halka cuntooyinka kalena ay la mid yihiin taasoo dadweynaha halkaas ku dhaqan ay sheegeen ineysan iibsan Karin.
Al-shabaab ayaa horey u sheegtay in go’doomintan ay dooneyso iney ku qasabto ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada iney halkaas isaga tagaan marka ay nolosha ciriiri ku noqoto.
Hase ahaatee dadweynaha ku dhaqan degmada Buulo Burde ayaa sheegtay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM dayuurado Helicobter ah loogu geeyo maalin kasta sahayda ay u baahan yihiin, waxayna intaa ku dareen in iyaga oo kaliya ay saameysay dhibaatada ka dhalatay xayiraada Al-Shabaab.
Labo caruur walaalo ah ayaa lagu soo waramayaa iney xalay degmadaas gaajo ugu geeriyoodeen markii waalidkood ay waayeen cunto ay siiyaan, iyadoo caruur kalena ay dhowaanahan halkaas ugu geeriyoodeen xaalado nolol xumo.
w/q:wariye c/samad cali xasan (xaliye)