WAJAALE NEWS

40 Qof Oo Ku Geeriyooday Weerar Ay Kooxaha Shiicadu Ku Qaadeen Masjid Ay Ku Cibaadaystaan Bulshada Suniga Ah Ee Ku Dhaqan Dalka Ciraaq.

Ciraaq:(Wajaalenews) Maanta ayaa salaadii jimcaha ayaa nin ka tirsan kooxaha shiiciada Ciraaq wuxuu weerar bahalnimo ah ku qaaday masjid ku yaala gobolka Diyaala oo ay dadka suniyiinta ahi ku cibaadaystaan. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters waxaa weerarka ku qudh baxay afartan ruux. Gobolka Diyaala wuxuu jihada waqooyi kaga beegan yahay magaalada Baqdaad. Mudooyinkii u danbeeyay waxaa deegaanka Diyaala ka jiray rabshado u dhaxeeyay kooxaha shiicada iyo kooxda Daacish ee hada la baxday Dawlada Islaamka ama IS

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version