WAJAALE NEWS

Xukuumada Jabouti ayaa Bando ku soo rogtay dhamaan Magaalooyinka Waawayn ee dalka Jabouti ,Cabsi Laga qabo in Ay qaraxyo ka dhacaan Maalmaha mashquulka badan ee Ciida.

jabuuti(Wajaalenews)Xukuumada Jabouti ayaa Bando ku soo rogtay dhamaan Magaalooyinka Waawayn ee dalka Jabouti ,Cabsi Laga qabo in Ay qaraxyo ka dhacaan Maalmaha mashquulka badan ee Ciida.

Xukuumada Jabouti ayaa cabsi wayn ka qabta Kooxaha Aragagixisada oo Ku Baahasan Gobolka Geeska Afrika oo dhawaan Qaraxyo qorshaysan oo Dad badani ku dhinteen ka fuliyeen gudaha magaalada jabouti.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah maleeshiyaadka Al shabaab ay qaraxyo ka fuliyeen kadib nidar ay hore ugu mareen inay dhiigooda daadin doonaa markii ay dawlada jabouti ciidamo taabacsan Ciidamada Afrikaanka ah ee xamar ku sugan oo ay ka barbar dagaalamayana hab nabad ilaalineed.

Xukuumada jabouti ayaa hore u xidhay xuduudka Somaliland iyo Jabouti u dhexeeya kadib markii la ogaaday inay Hargaysa ka tageen labadii qof ee qaraxyada miidaamada ah ka fuliyay magaalada Jabouti.

wajaalenews.net

hargeisa/office

carab

Exit mobile version