WAJAALE NEWS

Xildhibaan Bukhaari Oo Xukuumada Ka Difaacay Dhaliilo Kaga Imanayay Xusbiga WADDANI

Hargeysa(Wajaalenews) – Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali(Bukhaari) oo ka mida Xildhibanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Xukuumada Siilaanyo ka difaacay eedaymo muddooyinkii danbe uga imanaayey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu sheegay in ay meel ka dhac ay tahay in Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay sheegaan in aan la garanayn dalka cid Masuuliyadiisa Maamusha sida oo kalena ay wax ka sheegaan xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Saleebaan Bukhaari ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar kamida warfidiyeenada uu ugu waramaayey magaalada Hargeysa”Waxaa maalmahanba soconaayey in Xisbiga WADDANI uu warbaahinta u sheegayey in Somaliland Madaxweynaheeda iyo Cid dadka u talisa aan la garanayn Gudoomiyaha WADDANI-na uu yidhi baadhid kasta oo aanu samaynay waxaa noo xaqiiqa noqotay in aan cid dalka u talisa aan la garanayn,waxaan rumaysanahay in uu hadalkaasi yahay hadal meel ka dhac ah,waxaan maanta leeyahay oo hagaagsan in aan erayada qaar layska odhanin nin la ogyahayna aan taariikhdiisa aan la qarin nin walibana waxaa uu la soo baxay waa la eegi doonaa markaa hadaladaas in ay yidhaahdaan oo maalin walba ay Xisbiga WADDANI ay isla soo taagaan ragbadan oo uu ka mid yahay Gudoomiyahooda,Ku-xigeenkooda,Af-hayeenka,xildhibaan Rayte oo caadaystay Cayda Madaxweynaha oo maalin walba Caafimaadka Madaxweynaha wax ka sheega”Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu qaar kamida Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI uu usoo jeediyey eedaymo aad u culculus,Isaga oona Ibraahim Mahdi Buubaa ku eedeeyey in uu lambaro badan uu ka hayo dawalada Xamar waxaana uu yidhi:

“waxaanu leenahay raytoow waxa aad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta Ina Buubaana waxaan leenahay lambaro badan ayaad Xamar ka haysaa oo Xidhiidhkaaga waan ognahayee nimaan shaqo ku lahayn ha eedaynin,Waxaa kale oo jita in WADDANI hogaankiisa ugu sareeya, ay xaqiiqo tahay in ay Imaaraadka ay kula shireen Dawlada Xamar ee Xasan Shiikh iyaga oo leh,Waxaanu nahay ragii isku keeni lahaa Somaali ee naga warhaya oo na taageera

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version