WAJAALE NEWS

Barnaamijka JPLG Oo Gabood u Noqday Musuq Maasuqa Hadheeyay Dawladaha Hoose Ee Dalka.FAALO.

HARGAYSA(Wajaalenews) Mashruuca JPLG (Join Programm for Local Governments) oo ah mashruucan balaadhan oo ay maal galiyaan haayado badan oo isugu jira kuwa qaramada midoobay iyo haayadaha kale ee calamiga ah ayaa ah barnaamij loogu talo galay in laga caawiyo dawladaha hoose arimaha horumarinta adeega bulshada taasi oo maamul daadajin ah si awood loosiiyo dawladaha hoose adeegooga arimaha bulshada iyada oo tobabar dhinaca aqoonta ahna lasiiyo shaqaalaha ka hawlgala dawladaha hoose.

waxaana mashruucan si toos ah u maamusha wasaraarada arimaha gudaha waxaana xafiis looga dhex sameeyay dhamaan xarumaha dawladaha hoose ee degmooyinka dalka kaasi oo wax qabad balaadhan kusoo kordhiyay adeegyada arimaha bulshada ee khuseeya dawladaha hoose.

waxaana uu shaqaynayay barnaamijkani mudo siman todoba sano iyada oo xukuumadii hore ee Daahir Riyaale Kaahin si rasmiya u bilawday 2008 si toosana ay u maamusho wasaarada arimaha gudaha waaxda degmooyinka.

Nasiib daro barnaamijkani waxa uu noqday barnaamijka kaliya ee ka dhex Shaqeeya dawladaha hoose kaasi oo gabi ahaanba meesha ka saaray waajibaadkii shaqo ee dawladaha hoose noqdayna go.a lagu dado musuqmaasuqa baahsan ee kajira guud ahaan dawladaha hoose ee degmooyinka dalka taasi oo miisaaniyada loogu talagalay dawladaha hoose ay ku lunto laaluush kubaxa masuuliyiinta dawlada dhexe khaasatan wasaarada daakhliga iyo kharashaadka shaqsiyadeed ee maayarada dalka.

Shabakadan wararka ee wajaalenews oo xogo badan ka heshay xildhibaanada golaha deegaanka ee degmooyinka dalka gaar ahaan 9 ka degmo ee uu ka shaqeeyo barnaamijkan JPLG ayaa xaqiijiyay in aanay jirin guud ahaanba adeegii bulsho ee looqoondeeyay inay fuliyaan dawladaha hoose iyada oo wax kayar 7% lagu qiyaasi karo inay ka fuleen waajibaadyadii adeeg ee loogu talo galay inay fuliyaan dawladaha hoose .

dhamaan wax qabadyada ka fulay degmooyinka dalka ayaa ah kuwo uu fuliyay marshuucan JPLG iyaga oo maayarada degmooyinka dalku inta badan muunad ka dhigta xadhig ka jarista mashaariicda uu fuliyay barnaamijkan JPLG kana jeediya xafladahaasi hadalo sawirkoogu yahay inay fulisay dawlada hoose.

Maayarada iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaan u madax banaanayn inta badan waajibaadkooga shaqo iyo tooda deegaan iyada oo ay farabaas kuhayaan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee dawlada dhexe u matala degmo kasta khaatsatan wasaraada arimaha gudaha oo sitoosa u maamusha masuuliyiinta degmooyinka awoodna loo siiyay xilka qaadista iyo magacaabista maayarada ayaa inta badan ku khasabtay inay maayaradu u nuglaadaan masuuliyiintan dawlada dhexe waana ta keentay musuq maasuqa ugu wayn ee ka dhex jirta dawladaha hoose ee degmooyinka.

miisaaniyada looqoondeeyay dawladaha hoose sanad kasta ayaa ku luntay laaluush iyo dano shaqsiyadeed oo ay sameeyaan maayarada dalka iyo masuuliyiinta dawlada dhexe taasi ayaa gabi ahaanba meesha ka saartay wax qabadkii dawladaha hoose iyada oo miisaaniyadii looqoondeeyay inta badan ku baxdo xil ilaalinta mayaarada afkana ay ka buuxsadaan masuuliyiinta dawlada dhexe ee degmo kasta u matalaya degaanka.

Si kastaba ha ahaatee dawladaha hoose ayaa uu baabi doona jiritaankooga hadii aan loo samayn nidaam dib u eegisa iyo daba galba

Taasi oo hadii aan wax la iska waydiin dhabar jab kunoqon doonta horumarinta adeega bulshada niyad jab wayna ku noqaysa   dadwaynihii doortay xildhibaanada golaha deegaanka oo ay u hanwaynaayeen wax qabadkooga.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE HASSAN NUUR CALI

 

Exit mobile version