WAJAALE NEWS

Wasiirkii Arimaha Dibada Dalka Britain oo Xilkii Iska Casilay, Sababta Kaliftay Is Casilaadiisa iyo Dariiq Cusub oo ay u jeexi Doonto Xukuumada David Cameron

London(Wajaalenews)Wasiirkii Arimaha debeda dalka Britain Mr. William Hague, ayaa xalay niskii dambe shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas Wasiirnimo ee uu ka hayay dawladda Ingiriiska.

Saxaafadda waddanka Britain, ayaa is-casilaada William Hague ku tilmaamay mid dhabaha u xaadhaysa in Ra’iisul wasaare David Cameron uu is-beddel siyaasadeed iyo maamul-ba ku sameeyo Gollihiihsa Wasiirrada oo aanu dhawaanahan wax isku beddel iyo isku-shaandhayn ah toona ku samaynin sida ay Warbaahina dalkiisu faaqidaaddooda ku xuseen.

Saadaasha ama aragtiyaha doorashooyinka Baarlamaanka ee la filayo in la qabto, ayaa Xisbiga David Cameron waxay wax yar ka hooseeyaan qiyaasta tirada kuraasta ee la saadaaliyay in uu Xisbiga Shaqaaluhu heli doono.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa la filayaa inuu Haween iyo Dhalinyaro badan ku soo kordhiyo Xukuumaddiisa wakhtiyada soo socda ama foodda innagu soo haya sida la saadaalinayo.Tooshnews.net

Siyaasadda arrimaha dibada ee Ingiriiska ayaa hoos u dhac laga dareemayay muddooyinkan dambe, taas ayaanay dadka siyaasadda faaqidaa ku tilmaamayaan inay wakhtigan keentay is-casilaadda Wasiirka arrimaha dibedda waddanka Britain uu xalay shaaciyey.

wajaalenews.net

hargeisa/office

c/raxmaan carab

Exit mobile version