WAJAALE NEWS

Maydadka Saddex Ruux oo Soomaali ah oo Maanta laga helay Magaalada Nairobi

NAIROBI(Wajaalenews) ;Maydadka saddex ruux oo Soomaali ah ayaa laga helay maanta goob lagu kaydiyo meydadka oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Saddexdan ruux ee maydadkooda la helay ayaa waxaa ka mid ah ruux lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Maxamuud ayaa waxaa 23-kii bishan goob-ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Weli lama aqoonsan labada qof ee kale ee maydadkooda la helay, kuwaasoo meydkoodu ay yaallaan isla goobta lagu kaydiyo maydadka ee magaalada Nairobi.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga doorto deegaanka Kamakuunji oo ka tirsan magaalada Nairobi ayaa sheegay in saddexda nin la ceejiyay ayna sidaas ku dhinteen, isagoo xusay in laga dhacay hanti u taallay bankiyada magaalada Nairobi.

Mudane Yuusuf Xasan ayaa ku tilmaamay falkan mid laga xumaado; isagoo ka codsaday dowladda Kenya inay samayso baaritaan deg-deg ah oo lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay dilka saddexda qof ee Soomaalida ah, si loo horgeeyo sharciga.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay tan iyo bishii Abriil ee sannadkan howlgallo ay ku qabqabanayeen Soomaalida ka waday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

 

 

 

 

Exit mobile version