WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilanyo Oo Digreeetooyin Isdaba Joog Ah Oo Uu Galabta Soo Saaray Ku Aas,Aasay Ciidanka Dabdamiska Xili Ay Shufbeeleen Goobo Ganacsiyo Waawayn Oo Kala Duwan

 

Hargeisa(wajaalenews)Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland, Aas Aasidan ayaa Ku soo beegmaysa Wakhti Ganacsiyo badan iyo Meherado Ganacsi Ku Shufbeeleen Magaaloyinka Hargaysa iyo burco.

 

 

Warasaxaafadeed-Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka

 

Date: – 05/07/2014

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu arkay:                       Qodobka 76aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo

Degmooyinka Xeer Lr. 23/2007;

 

Markuu arkay:                       Khatarta baaxadda leh ee uu dalka iyo dadka ku hayo dabku;

 

Markuu arkay:                       In ay daruuri tahay in la helo cid masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay la dagaalanka dabka;

 

Markuu garwaaqsaday:       In loo baahan-yahay cid isku xidha dadaalada loogu jiro la tacaalidda dabka;

 

Markuu hubsaday:               In Qaranku u baahan-yahay cid si gaar ah ugu xilsaaran la dagaalanka dabka, ka tala-bixinta iyo isku duwidda hawlaha la xidhiidha la dagaalanka iyo ka hortagga dabka;

 

Markuu si xeel dheer:          Ula tashaday dadwayanaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;

 

Wuxuu soo saaray;

 

Qodobka 1aad

Aasaas Dab-damiska

 

Waxa halkan lagu Aasaasay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka oo leh Qofnimo Qaanuuneed, xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan kara Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska oo ku leh awoodaha kala ah:

 

 

  1. Helidda warbixinada shaqada, maaliyadda, qiimaynta la socodka siyaasadda, halbeegyada iyo tilmaamaha guud ee Xukuumadda, baabi’inta ku xad-gudubka maamulka iyo awoodda iyo u gudbinta Xukuumadda Dhexe odoraska Miisaaniyadda.

 

  1. Awoodda kala hormarinta qorshayaasha oo mudnaanta lagu kala siinayo qorshayaasha.

 

Qodobka 2aad

Ujeedada Dab-damiska

 

Ujeedada Dab-damisku waa inuu ka badbaadiyo bulshada khatarta dabka.

 

Qodobka 3aad

Xilka iyo Waajibaadka

 

Xilka iyo waajibaadka Ciidanku waa:

 

 

  1. Dejinta qorshayaal iyo cilmi-baadhisaha lagama-maarmaanka u ah horumarinta    ujeedooyinka iyo hababka ka hortagga iyo xakamaynta dabka, iyada oo loo eegayo horumarka xaga wershedaha iyo dhismaha.

 

  1. Si deg-deg ah uga jawaabidda marka ay dhacaan Shilalka dabku si loo yareeyo khasaarahooda xaga Nafta iyo Maalkaba iyada oo lala xidhiidhayo hay’adaha kale ee ay khusayso.

 

  1. Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta dadka iyo hantida.

 

  1. Fulinta iyo dabagalka qorshayaasha iyo hababka gaarka u ah hawlaha dab-demiska iyo badbaadinta.

 

  1. Fidinta wacyi-gelina ka hortaga khataraha dabka iyo shilalka iyada oo loo marayo warbaahinta si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ka hortagga dabka.

 

  1. Dejinta, rakibaadda iyo dayactirka hab-tilmaama (fire alarm) marka dab kaco iyo qalab lagu damiyo dabka.

 

  1. Diyaargaraynta iyo fulinta talaabo kasta oo kale oo looga golleeyahay xaqiijinta ka hortagga dabka iyo suulinta dhibaatadiisa.

 

Qodobka 4aad

Awoodaha Dab-damiska

 

  1. In ay galaan goobaha dabku ka kaco iyaga oo dhawraya xurmada hoyga.
  2. In ay la wareegaan hantida guurtada ah ee lagama maarmaanka u noqota xakamaynta dabka.
  3. Ka saarida dadka ku xeeran goobta/goobaha dabku ka kaco.
  4. Hagidda hawlaha gurmadka iyo badbaadinta ee lagula tacaalayo dabka.

 

Qodobka 5aad

Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska

 

Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska waxa loo raacaya habka Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ciidanka Dab-damiska

 

Xilka iyo waajibaadka Ciidanka dab-damisku waa:

 

  1. Hogaaminta, Ciidanka iyo hawlaha gurmadka Dab-damiska.
  2. Dejinta iyo horumarinta halbeegyada lagama-maarmaanka u ah ka kortagga iyo la dagaalanka Dab-damiska.
  3. Dejinta qorshayaal lagu kobcinayo, isla markaana kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha lagula dagaalamo dabka .
  4. U gudbinta hay’adaha ay khusayso warbixino iyo talooyin la xidhiidha khatarta dabka ee dadka soo foodsaari karta.
  5. Diyaargaraynta miisaaniyada Ciidanka dab-damiska iyo u gudbinta Hay’adaha ay khusayso.

 

 

Qodobka 7aad

Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska

 

Xilka iyo waajibaadka Taliye Ku-xigeenku waa:

 

  1. Ka gacansiinta taliyaha Ciidanka Dab-damiska gudashada Xilkiisa.
  2. Hogaaminta waaxda ama waaxaha uu u xilsaaro hogaamintooda.
  3. Qabashada xilkiisa marka uu maqan yahay ama uu sabab kale u gudankari waayo xilkiisa.

 

Qodobka 8aad

Hogaamada Ciidanka

 

Qaybaha ay ka koobnaanayaan Hogaamada Ciidanka, xilka iyo waajibaadkooda waxaa qeexaya Taliyaha Ciidanka Booliiska.

 

 

Qodobka 9aad

Magacaabista Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska

 

Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliiska marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

 

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

c/raxmaan carab

Exit mobile version