|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilanyo Oo Digreeetooyin Isdaba Joog Ah Oo Uu Galabta Soo Saaray Ku Aas,Aasay Ciidanka Dabdamiska Xili Ay Shufbeeleen Goobo Ganacsiyo Waawayn Oo Kala Duwan
July 5, 2014 - Written by Editor:
Hargeisa(wajaalenews)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland, Aas Aasidan ayaa Ku soo beegmaysa Wakhti Ganacsiyo badan iyo Meherado Ganacsi Ku Shufbeeleen Magaaloyinka Hargaysa iyo burco.
Warasaxaafadeed-Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka
Date: – 05/07/2014 WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2619/072014 ku magacaabay Aasaasidda Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay: Qodobka 76aad ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr. 23/2007;
Markuu arkay: Khatarta baaxadda leh ee uu dalka iyo dadka ku hayo dabku;
Markuu arkay: In ay daruuri tahay in la helo cid masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay la dagaalanka dabka;
Markuu garwaaqsaday: In loo baahan-yahay cid isku xidha dadaalada loogu jiro la tacaalidda dabka;
Markuu hubsaday: In Qaranku u baahan-yahay cid si gaar ah ugu xilsaaran la dagaalanka dabka, ka tala-bixinta iyo isku duwidda hawlaha la xidhiidha la dagaalanka iyo ka hortagga dabka;
Markuu si xeel dheer: Ula tashaday dadwayanaha iyo laamaha dawladeed ee ay khuseyso;
Wuxuu soo saaray;
Qodobka 1aad Aasaas Dab-damiska
Waxa halkan lagu Aasaasay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka oo leh Qofnimo Qaanuuneed, xaruntiisuna tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, laamana ka furan kara Gobollada dalka, kaas oo hoos imanaya Ciidanka Booliiska oo ku leh awoodaha kala ah:
Qodobka 2aad Ujeedada Dab-damiska
Ujeedada Dab-damisku waa inuu ka badbaadiyo bulshada khatarta dabka.
Qodobka 3aad Xilka iyo Waajibaadka
Xilka iyo waajibaadka Ciidanku waa:
Qodobka 4aad Awoodaha Dab-damiska
Qodobka 5aad Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska
Qaab-dhismeedka Ciidanka Dab-damiska waxa loo raacaya habka Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka 6aad Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Ciidanka dab-damisku waa:
Qodobka 7aad Xilka iyo Waajibaadka Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Xilka iyo waajibaadka Taliye Ku-xigeenku waa:
Qodobka 8aad Hogaamada Ciidanka
Qaybaha ay ka koobnaanayaan Hogaamada Ciidanka, xilka iyo waajibaadkooda waxaa qeexaya Taliyaha Ciidanka Booliiska.
Qodobka 9aad Magacaabista Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska
Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dab-damiska waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliiska marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
ALLAA MAHAD LEH
Wajaalenews.net Hargeisa/office c/raxmaan carab Related posts:Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga New UCID Oo Maayerka Borama Ku Tilmaamay Mid Raba Inuu Qabto Shaqadii Badh... Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Si Adag Uga Hadlay Fal Ciidamada Boolisku Kula Kaceen Kooxda Xidi... Qaar Kamid ah Dhalinyarada Gobolada Hargaysa iyo Gabiley Oo Si Adag Uga Hadley Dilkii Saraakiisha e... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|