WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga La Tukaday Jaaliyada Somaliland Ee Galbeedka London+Sawiro.

London(Wajaale News):-Waxaa Madaxweynaha JSL Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo uu maanta oo maalin ciideed ah oo loo dalbaaldegaayo ciidul fitridii sanadkan islaamka ee 1435 uu si farxad leh ugula  tukadey oo kula ciidey Shacabweynaha Jaaliyada Somaliland ee dagan magaalada London gaar ahaan  Galbeedka  London. Wuxuu madaxweynuhu uu halkaa ugu hambalyeeyey dhamaan shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. waxaana uu yidhi madaxweynuhu Waxaan  ” Walaalayaal dhamaantiin meel kasta oo aad joogtaan reer S/Land aan idiin rajeynayaa in aad nagula Ciidaan farxad iyo barwaaqo, waxaana aan illaahay idiinka baryayaa in uu sanadkan sanadkiisa uu illaahay bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo” ugu danbeyntii Xuska Munaasabadaa Ciidul fitrida ee  uu Madaxweynuhu kala qeyb galey Salaadii Ciida Jaaliyada reer Somaliland ee london ayaa ku soo geba-geboobay jawi aad uwanaagsan oo nabadgelyo ah.

Hargaisa Office/Somaliland
Wajaalenews.net
Email:haba00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version