WAJAALE NEWS

Madaxtooyada oo Amar ku soo bixisay in xabsiga loo taxaabo siyaasiga madaxa bannaan ee axmed like iyo isku dayada Ciidamada Booliska ee RRU-da iyo CID-da oo u suura geli waayay caawa inay ku guulaystaan Xadhigiisa

Hargeisa(Wajaalenews) ;Madaxtooyada oo Amar ku soo bixisay in xabsiga loo taxaabo siyaasiga madaxa bannaan ee axmed like iyo isku dayada Ciidamada Booliska ee RRU-da iyo CID-da oo u suura geli waayay caawa inay ku guulaystaan Xadhigiisa
[Waxa Ciidamada Booliska ee RRU-da iyo CID-da oo is-kaashanayaa ku weerareen Huteelka uu deganyahay (Safaari Hutel) ee Magaalada Hargeysa]


Madaxtooyadda Somaliland ayaa ammar kusoo bixisay in xabsiga loo taxaabo Siyaasiga Madaxa Bannaan ee Axmed Xasan Cali (Axmed Like), oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhalliilo is barkan Xukuumadda Axmed Siilaanyo u marinayay Saxaafadda Madaxa bannaan ee Somaliland.
Ciidamada Booliska ee RRU-da iyo CID-da oo is kaashanaya isla markaana fulinaya Amar sare oo Madaxtooyada kaga yimid ayaa abaaro 11 : 00 habeenimo ee caawa ku weeraray Huteelka uu degan yahay ee Safaari Huteel ee magaalada Hargeysa, Halkaas oo ay ku tageen gaadhi ciidan ah iyo xubno ka tirsan ciidamada Laanta dabagalka dembiyada ee CID-da.
Ciidamadan isku dayayay xadhiga Siyaasi Axmed Like ayaa la sheegay in aanay sidan wax Warqad sharci ah oo lagu qabanayo (Warrant), kadib ay ciidanka ilaalada Huteelka uu deganyahay ee safari ay ka hor joogsadeen ciidanka Booliska in ay gudaha u galaan Hudheelka, iyaga oo u sheegay in ay iyaguba yihiin ciidanka ammaanka wixii gudaha looga baahan yahayna ay iyagu awood u leeyihiin inay soo fuliyaan maadaama ay qaabilsan yihiin ammaanka Hudheelka.
Dhacdadan kadib oo Wargeska Hubaal la xidhiidhay Siyaasi Axmed Like ayaa waxa uu u sheegay in Hudheelka Hortiisa la soo Joojiyay gaadhi ciidan ah, kaas oo doonayay in ay I xidhaan, balse waxa inay gudaha soo galaan u diiday ilaalada Hudheelka.
“Waxa gudaha iigu soo galay mid ka tirsan Ciidanka CID-da waxaanu ii sheegay in uu doonayo Taliyaha Sirdoonka Booliska ee Gobolka Maroodi Jeex, lagana doonayo Xarunta CID-da, ana waxaan weydiiyay inuu ii sido Warqad u xalaalaynaysa Qabashadayda, waxaanu ii sheegay inaanu haynin wax warqad ah, intaa ka dib waxaan u sheegay inaan raacayn,” ayuu yidhi Axmed Like.
Goob-joogayaal madax bannaan oo ku sugnaa Huteelka oo Hubaal la xidhiidhay ayaa sheebay in markii uu Siyaasi Axmed Like diiday inuu raaco ciidanka, ay la hadashiiyeen Taliye Ku xigeenka Booliska Taliye Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, halkaas oo ay labadoodu ku wada hadleen Telifoonka Gacanta, isla markaana Taliye Fooxle Faray Axmed Like inuu Beri Gelinka Dambe yimaado Taliska Ciidanka Booliska, sidaana kaga tageen ciidankii loo soo diray ee doonayay inay xidhaan.
Siyaasi Axmed Like oo Hubaal wax ka weydiisay sababaha uu u aanaynayo xadhigiisa ayaa sheegay in xadhigiisa laga soo amray Madaxtooyada, uuna daba socdo shir Jaraaído uu muddooyinkii dabe kaga hadlayay caddaalad darrada iyo maamul xumada ay ummadda ku wado xukuumadda Axmed Siiraanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarkii Foosha xumaa ee gurigiisa lagu qaaday Wasiirkii hore ee Amniga md. Cabdilaahi Abokor, oo ilaa hadda xidhan, Xadhiga iyo xukunka Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Md. Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo labaduba caddaalad darro yihiin, iyo xadhiga albaabada loogu xidhay labada Wargeys ee Hubaal iyo Haatuf oo maamulka Siiraanyo in muddo ah ugu xidhan si caddaalada ka baxsan.
Xukuumadda Siiraanyo ayaa muddooyinkan dambe la soo baxday dhaqan la yihaadho car juuq dheh, taas oo cid kasta oo dhalliisha ama wax ka sheegta la beegsata xadhig iyo caga juglayn

 

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO HUBAAL

 

Exit mobile version