WAJAALE NEWS

Maayarka Gabiley oo Uga Mahad Celiyay Ururka Alkhayriya ee Haweenka Qurba-joogta Gobolka oo Buugaag Kusoo Deeqay Jaamacada Timacadde.

Gabiley (Wajaalenews):- Maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa mahadnaq balaadhan u diray ururka haweenka qurba joogta gobolka Gabiley ee Alkhayriya oo deeq buugaag ah soo gaadhsiiyay jaamacada Timacadde.

Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa ururkaasi ku amaanay kaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin guud ahaan horumarka gobolka Gabiley isagoo xusay inay hore ugasoo qayb qaateen dhismaha jaamacada iyo cusbitaalkaba, maantana aanay ka hadhin ee ay wadaan deeqdii ugu qiimaha badnayd oo ay keeneen wakhti ay jaamacadu baahi wayn u qabtay.

Maayarka oo dhambaalkaasi mahadnaqa ah u diraya isagoo ku sugan hoolka Dawlada Hoose ee Gabiley oo buugaagtaasi lagu gudoonsiiyay maamulka jaamacadaasi ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Marka hore Allaha wayn ayaa mahad oo dhami u sugnaatay. Mar labaad, anigoo ku hadlaya afkayga iyo afka golaha deegaanka degmada Gabiley, waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga dirayaa ururka haweenka qurba-joogta dalka ingiriiska ee Alkhayriya oo runtii kaalin xoogan ka qaata inta badan barnaamijyada horumarka ee ka socda guud ahaan gobolka Gabiley gaar ahaan jaamacada iyo dhakhtarka oo ay gacan wayn ka gaysteen. Waxaan uga mahad celinayaa deeqdan buugaagta ah ee ay caawa jaamacada soo gaadhsiiyeen oo ay keeneen wakhti ay jaamacadu u baahan tahay. Buugaagtu waxay halbawle u yihiin waxdhigashada heerarkeeda kala duduwan oo dhan. Buugaagtaasi waa sadaqatul jaariyo oo buug kasta oo la akhristo wuxuu illaahay idiinku darayaa ajarkiina iyo xasanaadkiina.”

Maayarku waxaa kale oo uu ardayda kula dardaarmay inay buugaagtaasi akhriyaan, isagoo xusay in buugtani ay ku jiraan kuwo dhawaan la daabacay, buugaagta wax laga dhigtana sanadba sanadka ka danbeeya lasoo cusboonaysiiyo oo aqoon iyo aragtiyo dhawaan la ogaaday lagu kordhiyo isla markaana ardaydu u baahan yihiin buugaagtan si loo baro buu yidhi aqoon casri ah.

Ugu danbayntii maayarku wuxuu uga mahadnaqay halkaasi cid kasta oo wax kusoo darsata horumarka gobolka dhinacyadiisa kala duduwan, isagoo ku dhiiri galiyay inaan qurba-joog iyo qolqol-joogba look ala hadhin sidii gacmaha la isku qabsan lahaa ee loo xaqiijin lahaa himilada iyo yoolka degmadu hiigsanayso.

Wajaale News Office

 

Email;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version