WAJAALE NEWS

Gambadha: Malleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Nabad-diidka ah oo isu-dhiibay Ciidanka Qaranka

Hargeisa(Wajaalenews)Askar tiradoodu gaadhay 20 oo ku gaashaaman hubkooda oo hore uga tirsanaa Kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee fadhiisimada ku leh deegaanka Gambadha ee Bariga gobolka Sool, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed (Shaqalle) oo qoraal uu warbaahinta ugu talo-galay kaga hadlay go’aanka ay isu-soo-dhiibeen Askarta hore uga tirsanaa Khaatumo, ayaa sheegay inay yihiin dhalinyaro la yaah-wareeriyey oo dhow bilood ka hor laga ururiyey degmada Ceegaag ee gobolka Saraar.

Qoraalka Taliyuhu kaga hadlay Maleeshiyo-beeleed isu-dhiibay ciidanka, ayaa u qornaa sidan:  “Abaarro 1:30 maanta waxa  isu soo dhiibay  Taliska ciidanka qaranka ee Jiida Gambadha  ee gobolka Sool, 20 askari  oo hubkoodii wata oo ka soo goostay Puntland.

Ciidankan oo ah dhalinyaro been loo sheegay oo dhawr bilood ka hor laga ururiyay degmadda Ceegaag ee gobolka Sool, ayaa gartay in kooxaha nabad-diidku ay jaho-wareeriyeen, sidaas daraadeed ay ku soo noqdeen dalkoodii kuna dhiiradeen inay  ku biiraan Ciidanka qaranka  JSL, iyagoo ku boorinaya inta ka hadhay tallaabadaasi caafimaadka qabta,” ayuu taliyuhu ku yidhi qoraalkiisa.

wajaalenews.net

hargeisa/office

Exit mobile version