Fadliga bisha ramadaan oo aynu in badan kasoo sheekaynay ayaa hadana ah waxa aan warkiisu kala go, iyo dhamaad midna lahayn,waayo waxaa allaah ku sheegay qur’aanka kariimka ah in hadii baduhu khad noqdaan dhir oo dhamina qalimaan noqoto oo la is yidhaa qora kalmadaha allaah ay dhamaanayaan baduhu inta aanay dhamaanin kalmadaha allaah.
Sidoo kale shayga kaliya ee aanu daalin dhagaystihiisu waa kitaabka allaah iyo sunaha rasuulka s.c.w, waxaana bishan barakaysan khaas ay la tahay sare usoo kaca iyo badashada dadka maalin walba ay soo rakaabinayso,ee kusoo biiraya khayraadka,taasi oo la arkay dad badan oo la jaan qaada inay cibaadadu iskugu duba dhacdo isla markaana joogteeya imaatinka masaajida xiliyo aanay Markii hore u baran,Markii taas loo fiirsaday ee la daraaseeyayna waxa iska cad in bishan khayrka badani ay tahay ta dadka ku laylyaysa
umuurahan oo kale,waxaaba ay dawo nafsaani ah u tahay dad Markii hore isasoo loodin la,aa oo ay xattaa balwadi haysatay naftooda iyo maankoodaba,waxaana halkaas laga dhiraandhiriyaa xogta odhanaysa in shaydaanku ku labbahan yahay balwad kasta oo uu qofka ugu kaalmeeyo naftiisa,markaa hadii bishan barakaysan shaydaankaasi kaa xidhmo waxaa iskusoo hadhaya adiga iyo naftaadii,kol hadii naftaadii aad khayrka bishan dhex mushaaxisona waxaad uga adkaanaysaa si dhib yar.waxaana shay gooni loo xusi karo ah in bishan ay bataan dadka ka taqalusa ee iska joojiya qiijinta sigaarka,waxaana runtii fiican in dadka sigaarka cabaa ay samaystaan naadi la aasaaso bishan ramadaan oo ka shaqeeya sidii loo qaban lahaa munaasabado iyo isku imaatin lagaga tashanayo sidii fursadan looga faa,iidaysan lahaa waliba iyadoo sidaa lagu gudoon siinayo jaa,isad qofkii bishan ramadaan iska daaya sigaarka ee waliba balan qaada inuu gaadhsiinayo haduu noolaado ramadaanta kale,waayo waxaa jira bishan ramadaan naadiyo badan oo tartama kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo ku tartama xifdiga quraanka, iyo kuwa ku tartama kubada iyo noocyadeeda kala duwan,balse nasiib darro ma jiro naadigan ku tartami lahaa joojinta sigaarka,isha allaahuna waa figrad la qaadan doono goor ay noqotoba,waliba waxaan rajaynayaa in ururada dhalin yaradu u hor qaadan doonaan isha allaah.
Hadii aan hadlkaa dheer ku khatimo waxa ay ujeedadiisu ahayd waxa weeyi sidii aanay gadaal uga dayacmeen ramadaanta iyo dadkeedu ee loo ahaado dad kasoo baxay jaamacada ramadaanta oo ku shaqo galay koow iyo tobanka bilood ee kale wixii ay ka barteen bishan barakaysan,
Waxaan intaas ku ladhi lahaa aayada quraanka ah ee allaah inagu yidhi suurada albaqra”basha ramadaan ee lasoo dajay qur,aanka waxa uu hanuun u yahay dadka iyo cadaymo iyo hanuuno iyo kala saaris xaqa iyo baadilka ah intaba ee kiinii bishan soo gaadhaw soon,,,”
Iyo xadiiskii rasuulku yidhi s.c.w “soonku waa gaashaan”
Lasoco …… Waxaa qoray sh,jabir