WAJAALE NEWS

DAAWO’ Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheikh oo sheegay Inaanu ka Cararin Madaxtooyada, ayna joogeen Isaga iyo Masuuliyiinta Sare oo dawladda katirsan

MUQDISHO(Wajaalenews) ;Madaxweynaha a Soomaaliya : Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay Kooxo Al-Shabaab ka tirsani caawa fiidkii weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ku qaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka cararay Madaxtooyada oo ay Madaxtooyada qabsan, ayaa Shirka Jaraa’id ee uu gudaha Madaxtooyada Muqdisho ku qabtay ku sheegay inaanu ka cararin Madaxtooyada, isla markaana ay joogaan isaga iyo Masuuliyiinta sare ee dawladda Soomaaliya, cid ay wax yeelleeyeen oo Madaxda ka tirsanina aanay jirin.

http://youtu.be/pTqRQvxQ0Ko

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version