WAJAALE NEWS

Daawo:Badhasaabka Gabiley (SHiine),oo khudbad Ku Weeraray Abwaan coments ka bixiyay sawir uu soo dhigay Facebookga

Gabiley(wajaale-news):- badhasaabka gobolka gabiley mustafe cabdi ciise (shiine) ayaa xafladii  habeen hore lagu qabtay hoolka shirarka dawlada hoose ee gabiley oo ahayd xil-wareejintii timacade readers club waxuu khudbadiisii intii ugu badnayd ku qaatay ereyo uu ku weerarayo abwaan ka mid ah suugaanyahanada gobolka gabiley oo isagu coment kaliya ka bixiyay sawir uu soo dhigay badhasaabku barta uu ku leeyahay shabakada bulshadu ku xidhiidho ee facebook hadaba inkastoo gudoomiye mustafe uu comentkaa abwaanka kaga jawaabay coment kale oo u dhigma hadana taas kuma kaaftoomin balse waxuu ku weeraray mar labaad khudbada habeenkan uu ka jeediyay xafladaasi. gudoomiye mustafe cabd ciise(shiine) ayaa in badan hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhagaysto xataa dhaliilihiisa balse arintan aad uga gubtay taasi oo muujinaysay in badhasaabku caadifi yahay, bilowgiina waxuu khilaafka abwaanka iyo badhasaabku uu ka curtay kadib markii abwaanku cabasho xaga ciyaartoyga ah u gudbiyay wasiirka ciyaaraha somaliland arintaasoo badhasaaabku qoonsadey isla markaana uu xaal ka siiyay wasiirkii ciyaaraha taasi ayaa waxay keentay in abwaanku sawirkan badhasaabka iyo wasiirka uu coment ka bixiyo ah waxaad tahay guulwade arintaasi oo badhasaabku aad uga gubtay halkan hoose ka akhri comentkii badhasaabku ugu jawaabay isla markaana daawo khudbadii badhasaabku iyana uu ugu jawabayay abwaankaas labadaba : COMENT :{Mustafe Isse Waxa aduunka ugu liita qofka aan qiimayn karayn hadalada afkiisa ka soo butaacaya ee haddana isku yaqaan caaqilka, walaal haddaad u haysato dhaliisha qaawan inay midho dhalinayso. Ood hadal qalafsan ood masuul na soo ixtiraamay oo nagu sharfay in isagoo aan magaalo kale kala qayb gelin daawashada tartanka Ramadaanta ku dar Hargeysada uu degan yahayoo ayuu naga aqbalay inuu Gabiley noogu yimaado oo uu nala dhiiri geliyo ciraaryoyda gobolka. Haddii maanta aanu intaa dhacsiinay waxaan qabaa hadalna la kala odhan og ILLAAHna la kala baryi ogee in inta kalena aanu dhacsiin doono, iyadoo aanan xumayn muuqaalka iyo sharafka reer Gabilay oon u ekeysiin dad cabasho badan. Taan wasiirka oon ku celinayo inuu asxaabtayda siyaasada ka mid yahay aan ka raali geliyayn waa taa, una malayn maayo inaad dhalinyarada reer Gabiley aad ku matashid cabashada iyo aflagaadada madaxda, qalad ayaadna ka fahan santahay waxa guulwadaynta la yidhaahdo}. HALKAN KA DAAWO VIDEOGA KHUDBADII UU MAR LABAAD BADHASAABKU KU JAWAABAY:

Exit mobile version