HARGEISA(Wajaalenews) ;Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa wuxu hore ugu wargelyay shacabka Hargeysa iyo dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonka Xawaadle oo maalinta Khamiista ku beegneyd ee (5/june/2014) in muddo toban cisho ah dib loo dhigay, ka dib hawlo shaqo oo ku soo beegmay, sidaa darteed waxa uu Maayarku dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonkaasi iyo dadkii kalaba ka cudur daaranayaa inay raali ka noqdaan dib u dhaca ku yimid arrimo shaqo awgeed.
Hadaba Bari oo (khamiis) ah oo ay bishu tahay (19/june/2014) waxay kusoo beegmaysaa todobaadkii sadexaad ee ay dib udhacdo furitaankii garoonka Xawadle, sida dadbadani ka war-qabo garoonka oo loo baajiyay in dadka dagan xaafadaha xawadle iyo idacada oo looga baqaayay in ay taageero ugu muujiyaan Hogaanka Xusbi Xakimka Kulmiye , tabashooyinka taban ee ay xukumada siilayno ka tirsanayaan xaafada 26ka juun iyo kood-buur ayaan ahayn oo kaliya garoonka xawaadle ee waxa jira in mudadii uu taagnaa khilaafka kulmiye waxa kale oo jira in Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeisa ayaa wuxuu ka jaray dhamanba biyahii la cabayay oo aan guud ahaanba usoo dhicin 2 week ee u danbeeyay taas oo muujinaysa halka ay ka taagan tahay xukumadu colaada ay u hayso 2 degmo ee 26juun iyo Ibrahim-Koodbuur .
Inkastoo ay fulinayaan laba masuul oo deegaan ahaan kazoo jeeda degmooyinkan ay dawladu caadaadiska saarayso oo kala ah Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo Mareeyaha Wakaalada Biyaha Md: Ibraahim Siyaad
Su’aasha meesha taalaa waa halkee ayay gaadhsiin xukumada cadaadiska degmooinkan ama intee in leeg ayay dadku dulqaadan doonaan biyo la’aanta iyo garoonkoodii loo furi-waayo?.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
KA DHIIBO FIKIRKAAGA