Hargeisa(wajaalenews)Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Dib Loogu Dhigay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Muuse Biixi Oo Laga Filayo In Uu Is Casilo Saacadaha Soo Socda
Qoraal war-gelin ah oo uu ku saxeexan yahay Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo uu ku sheegay in hogaanka intooda badnayd aqbashay soojeedinta Madaxweynaha ee dib-u-dhigista shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa war-baahinta la soo gaadhsiiyey waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe
Og: Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo:- War-gelin
Shir uu isugu yeedhay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.
Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah.
Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014
Allaa Mahad Leh
Xasan Siciid Yuusuf
Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye
Madaxwayne siilanyo ayaa isagu hada si rasmi ah u hantiyey hogaaminta xisbiga kulmiye isaga oo haatan soo jeediyey in mudo dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, tasi o ka cadhysiisay muuse biixi,
waxaana ilaa hatan ayna wax jawaab ahi kasoo bixin aqalka madxatooyada ku saaabsan oo ka hadlay is casilada uu sheegay gudoomiyaha xisbigu,
warar xog ogaal aha ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan xisbiga kulmiye madaxwayne siilanyo usoo jeediyeen in aaanu xisbigu khilaaf ka dhamaanayn tan iyo inta xisbiga dibada laga dhigayo muuse biixi cabdi.
Wajaalenews.net
Hargeisa/office
c/raxmaan caarab