WAJAALE NEWS

Daawo:-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah oo Kulan Baladhan Ganacsatada Magaalada Tog Wajaale+Sawiro.

Tog Wajaale(WJN):-Wasiirka wasarada ganacsiga iyo maalgashiga ayaa magaalada wajaale ka furay kulan xog waraysi ah oo uu kaga warbixinayo sidii ay ganacsatada magaalada tog wajaale ay uga faaidaysan lahayeen maalgashiga caalamiga ah ee laga bilaabi doono marsada qariimiga ee Berbera oo ay maalgalinayso shirkada DP World.

Waftiga wasiirka oo ay weheliyee badhasab ku xiigeenka Gobolka gabiley xubno qurbejooga ah sidoo waxa ka soo qayb galay maayirka magalada tog wajale iyo ku xigeenkiisa .

 

Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaanba gacansatada kala duwan ee magaalada tog wajaale oo si balaadhan u soo dhaweeyay kulanka uu gadhwadeenka ka ahaa wasiirka wasarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga Mudane Xuseen Adan Cige (Xuseen Dayr ) waxana ay ku timaameen mid ay si wayn ugu baahnayeen sidii looga dhadhicin lahaa loona fahansiin lahaa muhiimada uu u leeyahay Qaranaka Somaliland.

 

 

 

Wajaale Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version