WAJAALE NEWS

Xildhibaan Qabile Oo Xukuumada Siilaanyo Ugu Baaqay In Ay Qaladaad Keeda Ay Saxdo Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadaan

Hargeysa(Wajaalenews)-Xildhibaan Maxamed faarax Qabille ayaa xukumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in waxii qaldaad ah ee ay gashay ay saxdo inta lagu guda jiro bisha ramadaan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa waxaa uu udhignaa sida tan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

WASALAATU WASALAAMU CALAA MUXAMADI AL AMIIN KHAYRU KHALQILAAHI AL AJMACIIN

Caawa waa habeyn Jimce ah bisha shabcaana ay tahey dhamaad, Rabbi SWTC bishaa dhamaatey kheyrkeeda ha ina siiyo, sharkeedana ha inaga xijaabo, Rasuulkeenii Muxamed ahaa Naxariis & Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuu sheegay, mar la su’aaley in ummadiisu geli karto denbiyada ay ka midka yihiin, Sinada, tuugada, & Beenta? Wuxuu sheegay in ummadiisu ay ku dhici karto Sinada & Tuugada.

Beentase aaney sheegin, maanta waxaa jira waxyaabo la isku tuur tuuro, oo mucaarad & muxaafidba cidiba cida kale ay iska difaaceyso, guud ahaana aaney jirin xaqiiqo la isugu yimaado, si arintaa aan wax uga iftiimiyo ayuu ku saabsan yahey war murtiyeed kaygani, in la is toosiyaana waa wax banaan oo diinteenuna jideysey, qaynuun keenuna jideeyay,waxa taa cadeyn u ah xiligii uu hogaanka Islaamka uu qabtey khaliifkii hanuuninta haboonaa ILLAAHEY Raali ha ka ahaadee ee Cumar Binu Khadaab, ayaa kulankii ugu horeeyey ee uu Saxaabada la yeeshay, uu ku yidhi Ummadyahey Islaamka ahi hadii aanu xaqa ka fogaano nagu toosiya, weedhaa dabadeed waxaa kulankaa ka sare kacey labada Saxaabi ee kala ahaa Salmaan Binu Faaris & Bilaal Binu Xaaris weedh kaliyana wada yidhi hal mar, iyagoo ka tiraabaya soo jeedintii Sayid Cumar, waxey yidhaahdeen “ ILLAAHA MAXAMED XAQA KU SOO SAAREY BAANU KU DHAARANEE HADAAD XAQA KA FOGAATO. SEEFAHAYAGA AYAANU KUGU TOOSINEYNAA” Sayid Cumar Intuu Sujuud la dhacey ayuu ku yeedhay sida tan “ ILAAHEY BAA MAHAD LEH, RABIGA UMMADAANU HOGAANKA U AHEYN KA DHIGEY HADAANU XAQA KA FOGAANO, KUWO SEEFAHOODA NAGU TOOSINAYA” Sidaas ayuu ku jawaabey Khaliif Cumar Binu Khadaab oo Taaariikhda Islaamku ku Sumadey Geesinimo, Iimaan, Cadaalad, & ku dhac aanu xaqa dib uga laabmi jirin, taasi waxey u sahashey inuu noqdo khaliifkii ugu mudada dheeraa Idamka ALLEH, Isla markaana Islaamku ugu Fidista badnaa xiligiisii oo uu gaadhey dalal badan oo dunida ka mid ah, kuna maamuley cadaalad, aan tusaale u soo qaadano iyaba waa xigmad ALLEE, Khaliifku wuxuu dhaqan u lahaa inuu kormeero, xoogogaal u noqdo, dhageysto habeynkii marka dadku guryahooda ku hoydaan, si uu uga war helo waxa ay qabaan & xaalada ay ku sugan yihiin, habeen habeenada kamida ayuu khaliif cumar soo marey xaafadihii, wuxuu maqley islaan saceedii maaleysa oo ku leh Inanteedii “ Hooyo Saceenii waakan Caano yareeyey eh ma dacwad cadaalad darro ah ayaa la qaadey, Tolow kii Cumarna miyuu Maqnaa” intaa kadib Khaliif Cumar wuu iska tegey, dabadeed wuxuu Saxaabadii weydiiyey in wax dacwad ah la qaadey, kadib waxa loo sheegay in ay jirto Dacwad la qaadey, ka bacdi waxa uu khaliif Cumar dalbadey in loo keeno dacwadii si uu u hubiyo in dacwadaas si cadaalada looga garnaqey & in kale, isagoo tixraacaya dhawaaqii ka soo baxey Mu’uminadii Saca maaleysey, Khaliif Cumar waxaa loo keeney dacwadii, waa uu Baadhey waxaanu ka heley qalooc, inta uu Sayid Cumar dacwadii dib u qaadey ayaa waxa uu waafajiyey Cadaalada, intaa kadib waxa uu Sayid Cumar Sameeyey Kormeerkii hore mid lamid ah xiliga xiligiisii, isla markaana ku beegay xiligii adoontii Muuminada aheyd Saceeda ay Maali jirtey, sidii habeenka hore si lamid ah ayuu u dhegaystey, waxaanu maqley iyadoo inanteedii ku leh “ HOOYO SACEENII WAAKAN CAANO BADIYEYE, TOLOW MA KII CUMAR BAA ILLAAHEY U DIREY DACWADII”.

Waxaa arrintan ku jirta xigmad balaadhan, oo wax ku qaadasho mudan, taas oo ina tusaysa ama aan kala soo dhex bixi karno in meesha cadaalad daradu ka dhacdo in barakada RABBI SWTC ay ku yaraato, meel cadaalad darada Hebed u noqotana hadalkeedaba daa.

Maraka hore waxeynu nahey Ummad Islaam ah oo aamintey wixii ALLEH SWTC u soo dejiyey ballana la gashey EEBE SWTC, sida Shanta Rukni EE Islaamka & Lixda Iimaanka, Sidaa Awgeed Dhawrsoonaantu waa astaanta Muuminiinta waxaana xadhig u ah iimaankooda, innaga oo aan gaadheyn ragaa Islaamka ku hagayey Kitaabka qur’aanka ah Sunaha Rasuulka SCW, waxeynu u baahanahey oo lagama maarmaan ah in qawaaniinteena la waafajiyo labadaa, lagana saaro (Tirtiro) wixii ka soo horjeeda.

Beentu god kuma laha Diinta Islaamka, Caadeysigeedana waxaan cadaab aheyn lagama dhaxlayo, waana arrin aan astaan u laheyn Ummadii nabiga SCW, iyadana waxaan u arkaa waxyeelooyinka bulshadeena dhibey, hadyo jeerna dhaliya muruga ma dhaleyska ah.

Waxyaabaha beentu ay gaboodka ka dhigato waxa kamid ah hubsiimo la’aanta oo ta ugu weyn ah, taasi oo RABBI agtiisana aan ku wanaagsaneyn, Ummad kasta oo jirtana u keenta Dib u dhac & Taariikh La’aan, ( A Nation of no history).

Wax kasta oo la isku qabtaa waxey u baahan yihiin Halbeeg lagu kala saaro, EEBANA SWTC waxa uu ina farey hadii aad shey isku qabataan ku kala baxa sidii ALLEH Swtc, & Rasuulku Scw, Yidhaahdeen ku kala baxa, ummadana ILLAAHEY kama ogola Tafaraaruq ee wuxuu ku mideeyay Tawxiidkiisa, Cidkasta oo nactooyada dhexdooda iyo kala kaxeynta ummada ka shaqeysaana, RABBI Swtc agtiisa khasaare ayey ka shaqeysteen, aduunkana liibaan ka helimaayaan,waxaa maanta cad in dhabaha qabyaalada, eexda, qaraabo kiilka, cadaalad darada, sinaan la’aanta, kheyraadka dalka, xukunka & Amarkutaagleynta, loo jideystey sifo aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka & ta Ummadaha kale ee Aduunka Midnaba, si aan loo jaleecin hadba hogaanka jiraa dhaliisha uu leeyahey & Gabood falkiisa, Sidoo kale iyaduna waxaan banaaneyn in lagu tartamo Xumaanta oo aan daliil ku laheyn Islaamnimada iyo qawaaniintaba. Qormadani waa waano ku socota nafteyda & ummada aan ka dhashey ee Reer Soomaaliland dhamaanteed.

Intaa waxaan raacinayaa innagoo dadaalka aan kor ku soo sheegay uu yahey mid innagu waajib ah, Ummad ahaan wax beynu dhiganey waxaasina waa Ballan Ummadu leedahey, Sidaa la ajligeed Muxaafad & Mucaaridba waxa kulmiyaa waa waxa u yaala, is muquunin ma geydo, Gabood fal ma geydo, kala sareyn ma geydo, Sinaan la’aan ma geydo, kala mudnaan ma geydo, is dhageysi la’aan ma geydo, wada tashi & waxa ay dhigatay oo lagu dhaqmo ayuunbaa xidhiidhin karta, waxaan qabaa sida maanta xukuumada Talada haysaa u dhaqanto, in aaney waafaqsaneyn shareecada Islaamka & Qawaaniintii Ballanta u aheyd Ummada, Wax yaabaha maanta socdaana aaney dhaqaheyn Bulshada, waxa aan ku talinayaa Canaanta & toosintu waxa ay wax tar noqotaa marka waxna la qaldo waxna la hagaajiyo. Horumar & Dib u dhac kay doonto ha ahaatee, qaynuunku saldhig ayuu u yahey horumarka Aadamaha, waana ka ay ku cabirato ee halbeega u ah kuna kala garato saxa & qaladka hadba  midka ay dabaqeyso u kala sheega, waxaanan is leeyahey xukuumada maanta jirtaaa waa ay ka xuub siibatey kana toobiyeysatey halbeegii qarankani lahaa, waxaana kale oo ay dhagaha ka fureysatey toosin kasta iyo sixitaan kasta oo ka soo yeedha ummadii qaranimada karaamadeeda laheyd & Qaynuunkaba, wax alla & wixii ladoonabana lagu meel marsado si baal marsan qawaaniintii & Sharciyadii dalka u dejisneyd, waxaan Tusaale u soo qaadanayaa xuquuqdii lama taabtaanka aheyd ee xoriyaadka guud oo meesha ka baxey Gebi ahaaanba, waxeynu ognahey sidii laga yeelay wargeyskii, Hubaal iyo Mulkiilayaasheedii oo la isugu darey Isku dey Dil oo Badheedh ah. Cadaalad daro & aakhirkii oo albaabada loo xidho, taasi oo aan laba cali is weydiin, waxa xigey Tacadiyo isugu jira xadhig, handadaad, & cabudhin lagula kacey si joogta ah Saxaafada xorta ah & hawl wadeenadeeda, hawl galadaas waxa ugu danbeeyey falalkii lagula kacey wargeyska Haatuf albaabada loogu xidhey Xukunka aan sharciga meelna ka soogaleyna loogu ridey mulkiilihii wrgeyskaas & Tifatirihii isla wrgeyskaa, waxaa tiraba fuley isku dayo dilal dhwr ah oo leh midabo siyaasadeed ookala duwan, badina la xidhiidha fekerka qofka ee jideynayo qeynuunka JSL, waxa sidoo kale meesha ka baxey awoodihii qaranka ee kala xadidnaa sida Garsoorka, Fulinta, & Sharci Dejinta, oo sadexduba kala madaxbanaanaa kuwaas oo maanta gacan qudha isugu ururey meel qudhana laga wad maamulo, waxaana ka siijira maanta (Waanu Cambaareyneynaa) kalmadaas oo wax ay caaneysaa aaney jirin.

Waxa kale oo taa ka sii daran Wareegtooyin Is daba joog ah oo aan sharciga meelnaba ka soo gelin sida wareegtadii uu dhaqan geliyey Madaxweynuhu ee aheyd Diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha iyadoo aanu soo marin Hay’adihii sherci dejinta, arintaas oo khilaafsan kana hor imaneysa qodobka 53aad ee Dasttuurka qaranka JSL, Irmaantii wadanka sida kheyraadkii Dabiiciga ahaa oo iyadana iyadoo aan xeer lagu maamulo laheyn hortaa banaan la isaga maamushey taasi oo iyaduna isla qodobkaa 53aad ee Dastuurka Qaranka JSL ka dhan ah.

Hay’ado  jiritaankooda & Miisaaniyadooda intaba uu laaley Golaha wakiiladu si waafaqsan xeerka & distoorka qaranka JSL, oo sidoodii isaga gaashaaman oo shaqeynaya dhaqaaale ahaan iyo maamul ahaanba Sida Gudida Diiwaan gelinta Ururada & Axsaabta qaranka oo waqtigoodii tagey, loona adeegsanayo Cabudinta Axsaabta Qaranka, waxaana daliil u ah adeegsigii loo isticmaaley Khilaafkii Xisbiga kulmiye, waxa iyana wax u deymo leh Socdaalkii uu wasiirka Arimaha gudaha JSL uu ku tegay gobolka togdheer, kuna shiriyey odayaal & Cuqaasha todoba gobol qaarkood, kuna jideeyay hawlgalo ciidan oo aan u qeexneyn si Sharciga waafaqsan, waxaana goaamadaa ka mid ahaa in ciidamadaasi cidii ay hawlgaladaas ku dilaan wax ka soo qaad laheyn,arrintaasi waxey baal marsantahey iyana shuruucda ay sadexda ciidan qaran ku kala dhisanyihiin, sidoo kale Distoorka Qaranka JSL, nafna kumuu jideyn dil aan Shareecada Islaamka Waafaqsaneyn.

 

Ugu dambeyn wax u qalma qarankan maaha in qabyaalad lagu badalo qaynuunkii ay wada lahaayeen, laguna kala qoqobo wada jirkii Ummada, waxaa tusaale cad ka dheehan kartaa qaabkii loo kala burburiyey Xisbiga Kulmiye.

Sidaa Aawadeed waxey gebi ahanba Lumisey Xukuumada Maanta Jirtaa Kalsoonidii Shacbigeeda & Karaamadoodii, qorshaha u yaalaa waa mid ka madhan  bog ay ku yeelato Dimoqraadiyaada & Hanaankii xisbiyada badan waxey guud ahaan lumisay kalsamaantii & iskaashigii Beesha Caalamka waxaana ay masaxdey Doorkii Arrimaha Debeda JSL, arrinkaasina wuxuu go’doomin ku keenay qarankan koraayey, dunidana wuxuu ku ridey jaha wareer iyadoo waxa gudaha yaalna aanan halkan ku soo koobi karin haseyeeshee aan kor wax kaga soo taataabtey.

Guntii & gebo geboda war murtiyeedkaygan waxaan aaminsanahey in aan xukuumadani diyaar u aheyn doorasho Xor & Xalaal ah oo waqtigeedii ku qabsoonta, Diwaan gelin One man One vote & Goob joogayaal Caalamiya (international Observers) oo gacan wax ku ool ah ku leedahey Beesha Caalamku iyaduna ka hagar baxdo. Laba daran oon midna Ummada u dan aheyn waa qorshaheeda:

1.    In Doorasho Bilaa diiwaangelin ah la galo, oo noqota mid lamid ah tii golaha deegaanka oo dhabarka lagaga jabo.

2.    Mudo kordhin ay ku salaxato oo lagu sii maaweeliyo Ummadan, kuna baxnaaniso iney ku dhameystirto, mashaariicdeeda musuqa ah dulmiguna ku sii laxaadsado.

Waxaan talo ku bixinayaa in aaney labada xisbi mucaarad noqonin kuwo daba carara maalinba dhacdada & Jahawareerka ay Xukuumaddu kula kaceyso Ummada, waxaa la rabaa in labada xisbi mucaarad ay la yimaadaan Aragti siyaasadeed oo cad oo ay ku midaysanyihiin (Political Vision) taas oo lagu badbaadinayo Jiritaanka qaranka JSL & midnimada Ummada reer Somaaliland.

Wa Billaahi Tawfiiq

ALLAA MAHAD LEH

XIldhibaan Maxamed Faarax Qabile

Golaha wakiilada JSL

Xisbiga Cadaalada & Daryeelka (UCID)

 

Hargiesa Somaliland

Exit mobile version