WAJAALE NEWS

Safarkii Guusha Somaliland Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) . War-murtiyeed Maayarka Degmada Maydh Prof.Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh

Maydh(Wajaalenews)-Maayarka Degmada Taariikhiga ah ee Maydh Prof.Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh ayaa War-murtiyeed uu kazoo saaray Safarkii uu dhawaanta ku maray Gobolada dalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu u dhignaa sidan:-

Anigoo ah Gudoomiyaha Degmada Faca-weyn ee Maydh Prof.Xuseen Sh.C/raxmaanSh.Siciid Maydh waxan isku dayayaa inaan wax-yar ka idhaah-do Safarkii Taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)dhawaantaku maray Gobolada Somaliland kaasoo run ahaantii daboolka ka qaaday waxqabadka muuqdaee uu qabtay MadaxweyneAxmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)mudadii sadexda sano ahayd ee uu xilka hayeyiyo sidoo kale waxyaabaha wali dihin ee u qorshaysan inuu dhawaanta ka hirgaliyo dalka .

Maaha mid mugdi ku jiro Horumarka balaadhan ee dhan walba leh ee Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)ka qabatay mudadaa kooban Dalka , maxaayeelay waa mid ummaddu ka marag kacaday indhaheedana ku aragtaymuhiimadeeda iyo wax-tarkeedaba inkastoo maalmahan ay jiriin inyar oo fara ku tirisa oo indhaha ka qarsaday kana masuugay Wanaaga iyo Horumarka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)dalka gaadhsiiyey mudadii uu xilka hayey.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee ku dhiirada inuu jid ka sameeyo ama ka hirgaliyo Wadada ugu dheer ee ugu kharashka badan ee Ceerigaabo oo wixii dawlado kazoo taliyey dalkani ku dhici waayeen .

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee dhalinyaradau suurto galiyey inay siyaasada kaalintooda ka qaataan isla markaana ka mid noqdaan Golayaasha Qaranka Sida , Golaha Xukuumada oo Wasiiro iyo Agaasimaay Guud iyo Maareeyeyaalba ay ka yihiin iyo sidoo kale inay dhalinyaradu ku guulaysato ka mid noqoshada Golayaasha Deegaanka Dalka oo hada 90% ay Maayaro yihiin rag dhalinyaro ahi xubanaha ugu badan ee golayaasha deegaanka ku jiraana noqdaan dhalinyaro 95% boqolkiiba Shan iyo sagaashan

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee xubnihii ugu badnaa ee Haween ahkasiiyey Xukuumadiisa isagoo sidoo kalena door weyn ka siiyey beelaha la hayb-sooco

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee ku dhiirada in aynu miiska wada hadalka la tagno mowqifkeenaqaran-nimo isla markaana caalamka si dhaba u hor dhigay inay inaga go’an tahay gooni isu taageenu ilaa ay gaadhay in ay bilaabanto dabayshii aqoonsigeenu

 

Waxan kusoo gabagabaynayaa War-murtiyeedkayga Safarkii madaxweynaha ee Xeebaha Galbeed Iyo Bari, (Hilaacii Xeebaha bari) ,Angoo ka turjimaya shacab weynaha Gobolada Bari ,waxan leeyahay sidii Dowladahi hore lagu yaqaanay oo dhici jirtay in Wasiiro xaqiiqo raadis ah loo soo dirijiray Goboladan Bariga S/land, Balse Safarka Hilaaca Xeebaha Galbeed iyo Bari Somaliland Ee madaxweynuhu dhawaan kusoo maray Dalka intiisii badnayd ee ujeedadiisuna ahayd ,In Madaxweynuhu xaqiiqada dhabtaa ee xaaladaha Dalka lugahiisa kusoo maro indhahiisana kusoo arko, safarkaasina, wuxuu ku sifoobay mid Taariikhi ah , oo kalsooni buuxda ku abuuray Dadweynaha Reer Somaliland,, bari iyo Galbeedba aadna ay usoo dhaweeyeen iyagoo runtii Jawigooda guud farxad iyo raynrayni ka muuqato, waxaad ka dheehan kartaa Shahaado Sharafta ,Magaalada Facaweyn Leh ee Degmada Maydh Ku Maamuustay Madaxweynaha iyo Waftigiisiiba , Waxa Xusid Mudan Sidii Madaxweynuhu ugu dhagax dhigay Dekeda ,Degaanka Maydh oo baahiweyn uqabay Dhismaha Dekeda

 

Waxqabadka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)maaha mid aan ku dhamayn karo War-murtiyeedkaygan balse waxan kusoo koobayaa oo aan bulshada reer Somaliland Muxaafid iyo Mucaaridba usoo jeedinayaain si dhaba oo Wadaniyadi ku jirto looga marag kaco Waxqabadka dhabtaa iyo Horumarka muuqda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

 

 

Prof.Xuseen Sh.C/raxmaanSh.Siciid Maydh

Maayarka Degmada Maydh

Maydh/Somaliland

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version