Hargeisa(wajaalenews)Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa Khilaaf Diineed Ka Abuuray Markale Magaalada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley,Isagoo Wasiirku U Kala Diray Laba Waraaqood Oo Iska Soo Horjeeda Isla Markaana U Kala Socda Laba Qaybood Oo Ka Mid Ah Culmida Ku Dhaqan Magaalada Arabisiyo Ee Gobolka Gabiley
Wararka Naga Soo Gaadhay Magaalada Arabsiyo Ayaa Sheegay In Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Uu Colaad Diineed Kala Dhexdhigayo Culimo Aw Diinta Ku Dhaqan Magaalada Arabsiyo ,Iyadoo La Sheegayo In Waraaqaha Uu Udiray Culimadaasi Aad Iskaga Soo Horjeedaan
Sheekh Khaliil Cabdilaahi Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ayaa Sanadkii Hore Sidan Oo Kale Ku Kala Irdheeyay Culimada Ku Dhaqan Magaaladaasi Arabsiyo Ee Galbeedka Somaliland.
Wasiirka Ayaa Safarkan Ka Kuxiga Ugu Bixi Doona Galbeedka Somaliland Isagoo Magaalada Arabsiyona Culimada Ku Dhaqani Ay Qaar Ka Soo Horjeedaan Waraaqaha Is Khilaafsan Ee Ka Soo Baxaya Xafiiskiisa.
Wajaalenews.net
Hargeisa/office
c/raxmaan carab