WAJAALE NEWS

Wakiilada Maraykanka, Ingiriiska Iyo Midawga Yurub Ee Somalia Oo Ku Baaqay In Ciidamada Deg-deg Looga Saaro Gobolada Sool Iyo Sanaag

Hadalka Danjireyaashan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Ciidanka Qaranka ee Somaliland galay degmada Taleex, halkaasi oo ay ka eryeen Kooxda Khaatumo oo Shirku qabsanaysay.

Hargeysa(Wajaalenews):-Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Neil Wigan, ergayga Mareykanka ee Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Somalia, Michele  Cervoned’Urso ayaa ku baaqay in Gobolada Sool iyo Sanaag deg-deg looga saaro Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan. Iyagoo sidoo kale sheegay in laga fogaado in la adeegsado xoog

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidmada goobaha lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqaynaa dadka ay arrintaas Khuseyso inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayay danjirayaashan ku sheegeen qoraal wadajir ay maanta  soo saareen.

Danjireyaashan ayaa walaac ka muujiyey xaalka Degaanadaasi, iyagoo ku taliyey in la is xakameeyo “Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidamada. Dhammaan qaybaha ay

Quseyso arrintaan waa inay dadaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah degenaasho waarta oo ka dhacda gobolka.”

Hadalka Danjireyaashan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Ciidanka Qaranka ee Somaliland galay degmada Taleex, halkaasi oo ay ka eryeen Kooxda Khaatumo oo Shirku qabsanaysay.

Ciidanka ayaa wali ku sugan jiidaasi, waxaana arintaasi diidmo ka muujiyey Maamulka Puntland

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version