WAJAALE NEWS

Waftigii Wasiirada Somaliland oo Kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabuuti iyo Safiirka Turkiga u jooga Jabuuti.

Jabuuti(Wajaalenews);Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabuuti iyo Safiirka Turkiga u jooga Jabuut

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somaliland waa Dal ay naga dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo is dhex Bulsho” Wasiirka Arrimaha Dibeda Dawlada ee dalka Jabouti
“Dawlada Turkey-ga iyo Somaliland waxaa ka dhaxaysa Taariikh dheer oo ku dhisan islaanimo iyo Walaalnimo” Safiirka Turkeyga u qaabilsan JaboutiWasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan  ayaa Maanta kulamo gaar gar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada waddanka Djabuuti  Maxamed Cali Yuusuf iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Djabouti, kulankaasi oo qaatay muddo sacado ah ayaa waxa uu wasiirka Madaxtooyada ka hadlay waxyaabihii ay ka wadda hadleen masuuliyiintaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada oo boggiisa Face book soo dhigay warbixin kooban oo ku saban kulamadii dhex maray ayaa waxa uu ku bilaabay. “ Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalka Jabouti, guud ahaan wuxuu ahaa kulan u daaran isxog siin , xoojinta  xidhiidhka labada dal iyo dardar gelinta jidka isku xidhi doonaa Jabouti iyo Zaylac

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaanu kala hadalnay sidii dawlada Jabouti ay dhankeeda taageero iyo dardar gelin uuga gaysan lahayd hirgelinta jidkaas isku xidhi doona labada dal, Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibeda ee dalka Jabouti Mudan  Maxamed Cali Yuusuf ayaa dhankiisa si dareen gacaltooyo iyo xidhiidh dawladeed ku dheehan tahay noo qaabilay isla markaana dhankiisa adkeeyey sida dawlada Jabouti ay marwalba uuga go’an tahay kor u qaadida xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Jabouti isla markaana dareen fiican ku soo dhaweeyey hirgalinta jidkan, Wasiirka ayaa ku dheeraday xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal isagoo sheegay in Dawlada Somaliland iyo Jabouti ay yihiin laba dal oo ay ka dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo isdhex bulsho.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Intaas kadib waxaanu kulan ka qabsoomay Safaraada Dawlada Turkey-gu ku leedahay dalka Jabouti la qaadanay Safiirka Dawlada Turkey-ga u fadhiya Jabouti, Ugu horayn waxaanu si qoto dheer uuga xog waranay xidhiidhka dheer ee Somaliland iyo dawlada Turkey-ga ka dhaxeeya iyo muhiimada jidka isku xidhaya Jibouti iyo Zaylac ee ay hirgalintiisa balan qaadeen dawlada Turkey-gu, Safiirka ayaa dhankiisa cabiray qiimaha iyo dareenka uu u hayo shacabka ku dhaqan Somaliland isagoo si qoto dheer uuga waramay xidhiidhka taariikheed, diimeed iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, Sidoo kale wuxuu nooga waramay qorshayaasha dawlada turkey-ga ee ku aadan dib u dhiska iyo dayactirka goobaha taariikhiga ah ee Zaylac iyo hirgalinta jidka isku xidhi doonaa Zaylac iyo Jabouti.”

Guud ahaan safarkan oo muhiimadiisu ahayd dabagalka Jidka Isku Xidhaya Zaylac iyo Jabouti oo aanu horay balanqaadkiisa uuga haysanay dawlada Turkey iyo abaabulka, dardar gelinta iyo gogol xaadhka jidka isku xidhaya Zaylac iyo Borama ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo diyaar garow xoog badan”

Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba waxaan ku bogaadinaya sida damiirkoodu uugu soo jeedo dhismaha dalka iyo taabo gelinta Qaranka”Ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

Kulanka ayaa wasiirka waxa ku wahelinayey Wasiirka Qorshaynta qaranka Sacad Cali Shiire safiirka somaliland u fadhiya jabuuti anbasador maxamed aamin qalinle iyo waliba wasiirka dib udajinta axmed cali kaahin

 

Exit mobile version