WAJAALE NEWS

TACSI MADAXWEYNE JSL Waxa uu Tacsi Udirayaa Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday Hargeysa.

TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,  Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa Hargeysa.

Marxuumka oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay saxaafada Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan,

Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta saxaafada maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version