WAJAALE NEWS

Somaliland: Maxaa howl inoo qabyo ah??? “Macnaha Axsaabta Siyaasada iyo Taariikhda Ku Duugan”!!!

Hargeisa Wajaalenews ,Macnaha Asxaabta Siyaasada:

Political party – a group of people with broad common interests who organize to win elections, control government and influence government policies.

 “ Xisbi siyaasadeed- koox dad ah oo leh ujeedo guud oo xoogan isuna abaabula si ay ugu guulestaan doorashooyinka, una daadihiyaan dowlada isla markaana u haggaan siyaasada (aragtiyaha) dowliga ah”.

Bal tusaale yar aynu ka qaadano kuwani caalamka maanta gaar ahaan qaar hirgaley oo muddo dheer guul u horseeday ummadaha ay hogaaminayaan.

Asxaabta Siyaasada ee Mareykanka:

Sida aynu ka fahmi karno nuqul ka mid wargeyska the people kuna saabsan filosoofiyada axsaabta siyaasada oo soo baxey bishii April 25keedii Sannadii 1895tii, magaalada New York, ee carriga Mareykanka. Waxaa uu si qoto-dheer ninka qoraaga ahi u qeexayaa macnaha axsaab siyaasadeed, jiritaankooda cimri ahaan, iyo sida ay ku curteen kuwani reer Mareykan ugu caansan maanta (The Republican and Democratic parties in USA today)- Waxaa tifetire Mr. Daniel Deleon.

Ø Xisbiga dimoqraadiga ee weyni isna waxaa uu dhashey ka dib naacowdii dimoqraadiyadeed ee dalka Mareykanka wakhtigii uu Madax-weyne ahaa Mr. Jefferson oo garwaaqsatey in dalka Mareykanku ahaado  dimoqraadi dal ahaan iyo magac ahaan “This country should be a democratic in fact as well as in name-meaning it is well-born and well-to do”.  Dalkani waa inuu ahaado dimoqraadi dhab ahaan magac iyo hirgaley oo shaqeynaya.

 

Haddaba waxaa u suurto-geliyey asxaabtani siyaasiga ah in ay waaraan illaa maanta arrimahan:-

 

 

 

 

 

Maqaalkaasi wargeysku maalintaasi waxaa uu daadifeynayey doodihii taagnaa ee ka soo horjeedey in axsaabta siyaasadu muddo dheer jiri karaan cimri ahaan. “Political parties, no matter what their name—whether Republican, Democratic, People’s Socialist or Prohibition—are short-lived, vacillating, changeable things that invariably become corrupt before they become of age.”. Macno ahaan waxa weeyi “ asxaabta siyaasadu, magac kasta oo leeyihiin-Jamhuuri, dimoqraadi, Shuuci ama Xag-jir- in yar ayey jiri karaan, waa kala dhantaalmi karaan, waa qaar la bedeli karo kuwaasi  oo arrimuhuna musuq-maasuq la kulmaan ka hor inta aaney cimri tirsan”.

Haddaba, reer Somaliland marka aynu nahey waa sidee waayaheena asxaabta siyaasadu ka dib muddo laba iyo toban sannadood ah oo aynu ku jirney nidaamka asxaabta badan??? Ma jiraan mabda’ siyaasi ah oo si cad u qeexan oo xisbiyadeenu soo bandhigaan isla markaana jilaan?? Ma jiraan barnaamijyo qeexan oo ay ku shaqeeyaan??? Ma jiraan hab-maamul cad oo fulintiisa iyo ku shaqeyntiisa aan marnaba lagu murmin si joogto ah????

Waxaa xaqiiqo ah in arrimaasi oo dhan aan midnaba lagu dhaqmin, fulin isla markaana aan laguba howshoon meel-marintooda iyo gardaadinta sidii xisbiyadeenu u hirgeli lahaayeen. Xafiisyadoodu waa guryo ku meel-gaadh ah, xubnahoodu waa dabo-furan si xilliyeysan looga mid noqdo misna si sahlan loo waayi karo……Garsoorkoodu waa hadba kooxda adkaata oo lagu maxlalo shuruuc garsoorka loo gudbiyo si cid ama koox gaar ah loogu daadifeeyo…….Arrintu waxay ku saleysan yihiin waa ku meel-gaadh si kursiga lagu fuulo. Arrintani waxaa markhaati u ah qabyada la deriska ah asxaabteena muddada toban sanno ka badan oo aynaan isweydiin sidee u hirgaleen????? Tani oo ka dhigtey saaxadeena siyaasadeed mid aan hor-u-socod laheyn isla markaana keeni karta xilli uun qaran-jab mar kale aynu qadhaadhkiisa qudh-qudhino (Alle inaguma keeno ah).

Runtii wax badan ayaa ku xidhan hano-qaadka asxaabta siyaasada; meel-marinta dowlad tayo oo tamar leh, dhameystirka shuruucda dalku u baahan yahey, agaasimka hufan ee maamul dowli ah, iyo tisqaadka nidaam siyaasi ah oo suurto-geliya badbaada qaranka marwalba si joogto ah IWM.

Gebo-gebo, waxaa xaqiiq ah in hadba sida aynu ugu hagar-baxno dhameystirka qabyada qaran ay qeyb weyn ka tahey sida aynu u gaadheyno yoolka guusha ee aynu hiigsaneyno balse haddiiba aynu sii dabo-dheereyno waa nasiib-daro hor leh iyo jaho-wareer ummada waajahdo kaasi oo mar walba fursad siin kara cadowga Somaliland guddo iyo debad labadaba…………. Murti hore ayaa tidhi “Raqo ninkii lahaa daba hayo ma kacdo” waxaa ka dhigan duruufta hogaan xumo iyo hagrashada joogtada noqotey ee kuwa siyaasada ku mamay ay maanta sabab u yihiin dib-u-dhac wadanka ku keentey horumarkiisa………..Somaliland Allow dhowr……..Allow dhowr…….!!!!

Gunaanad, waxaa la gudboon hadba cida talada heysa in ay mudnaanta siiso hirgelinta hadba wixii arrimo taagan ee u baahan meel-marin, dhameystir, iyo ka midho-dhalinta himilada ummada, xoojinta midnimada ummada, illaalinta dastuurka iyo xeerarka dowliga ah, ka garsoorka si daacad ah arrimaha dhexmara ummada iyo dowlada si waafaqsan dastuurka iyo qawaaniinta ku taxaluqda IWM. Aan ku soo gooyo maqaalkani kooban tixo ka mid ah gabeygii qaranjab ee gabyaa Max’ed C/raxmaan Xaaji Jaamac-Lugooyo- AHUN si farshaxan leh ugu tiraabey halka xanuunku fadhiyo ee inooga baahan daaweyn dhab ah si aynu qaran hirgaley ugu naaloono mustaqbalka ummad ahaan “Allow noo hirgeli Addaa awood leh”:-

 Qardoof iyo khilaaf teenu waa ka qoto dheertaye,

Halkuu qaranjabkeenuba ka dhacey, qiiqa damiwaayey,

Malaha qodaxda meel durugsan bay qaar ka dayayaane,

Qol-qolada guryahaa lagala yimid Qaasinow cudure…..

(Gabyaa Max’ed C/raxmaan X. Jaamac-Lugooyo- Gabeygii Qaranjab).

 

Allaa mahad leh,

 

Qalinkii:

 

Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Cell phone: 00 252 (0) 63 4137470

Email: mustafe72@gmail.com

Exit mobile version