WAJAALE NEWS

Milicsiga khilaafaadkii Xisbiyada Somaliland ee 1942-kii ilaa 2014. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qormadan waxay ku lafo-guri doonaa khilaafaadkii waaweynaa ee ka dhexqarxay xisbiyadii soo maray Somaliland ilaa kuwa imika jira.

Xisbiyadii 1942-kii ilaa 1960-kii

Muddadii u dhexaysay sannadaha 1942-kii ilaa 1960-kii waxa Somaliland ka jiray afar xisbi oo kala ahaa: SNS, NUF, SNL iyo USP. Bal aynu mid kasta eegno siduu u khilaafka u burburiyay.

A.    Xisbigii SNS ee 1942-kii

Xisbigan SNS waxa la aas-aasay sannadkii 1942-kii, waxaana aas-aasay xubnahan hoos ku qoran:

1.      Yuusuf X. Adan Qabile

2.      Cali Qawdhan

3.      Yuusuf Maygaag Samatar

4.      Cabdi Jibriil

5.      Siciid Caabi

Xisbigani wuxuu in muddo ah ku jiray qarsoodi maadaama oo ingiriisku ogolayn xisbiyo aan ka shaqayn danta gumaysiga ingiriiska. Horaantii sannadkii 1944-kii ayuu xisbigii SNS xoogaystay waxaana ku soo biiray xubno farabadan. Markii in muddo ah xisbigu heer fiican marayo ee xisbigii loo sameeyay sharci iyo maamul, ayuu soo kala dhexgalay khilaaf.

Khilaafkii iyo burburkii xisbiga SNS

Xubnihii sar-sare ee xisbiga SNS ayaa u kala qaybsamay laba garab oo beelaysan oo kala ahaa:

Subeer-awal

Garxajis

Arrintaasi waxay keentay inuu burburo xisbigii SNS oo qaab reeraysan u baabay. Labadan garab waxay ku dhawaaqeen laba xisbi oo magacyo qabiil huwan, kuwaasi oo kala ahaa:

ü  Odayaashii iyo aqoonyahankii Subeer-awal waxay samaysteen xisbi ay ugu magac-dareen “Subeeriya”.

ü  Odayaashii iyo aqoonyahankii Garxajis waxay samaysteen xisbi ay ugu magac-dareen “Garxajisiya”.

Dhexdhexaadintii labada garab ee SNS

Guddiyo is-xilqaamay ayaa bilaabay inay isku keenaan labada garab. Markii uu wadahadalku socday in muddo ah, ayay guddigii soo saareen qorshe odhanaya in la mideeyo labada garab, oo magaca cusub loo bixiyo, lagana tago labadan magac ee qabyaalada huwan. Labadii garab way ku qanci waayeen midaynta labada garab, halkaasina waxa ku burburay dhexdhexaadintii guddiga. Halkaasina waa lagu kala tegay.

B.    Xisbigii NUF ee 1954-kii

NUF waxa la aas-aasay sannadkii 1954-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Axmed Xasan Ibraahi. Xogahaye guudna waxa ka ahaa Maykal Maryaano. Xisbigan aas-aaskiisu wuxuu ka dhashay markii dhukla Hawd iyo Researve Area ingiriisku ku wareejiyay dalka Itoobiya. Ka dib la diray wefti ka socda Somaliland oo la kulma dawlada ingiriiska gaar ahaan Baarlamaanka.

Khilaafkii kala qaybiyay xisbiga

Xudunta khilaafka ayaa ku fadhiday laba arrimood:

ü  Xubno aaminsanaa in toos loo bilaabo halgan gobonimo doon ah, oo shaarac lagala hadlo shacabka.

ü  Xubno aamisanaa inaan lagu deg-degin halgan toos ah, maadaama oo ingiriiskii dalka haysto, oo caqabadi jirto.

Khilaafkii ayaa sii laba kacleeyay, ka dib wuxuu buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray labadii garab eek ala aaminsanaa labada fikir. Xarunta xisbiga oo ahayd Khayriyada ayaa buuq iyo gacan ka hadalku ka dhacay. Ka dib ingiriiskii ayaa soo kala dhexgalay. Isagoo ku marmarsoonaya amaanka magaalada Hargaysa ayaa khatar gelaya. Ingiriiskii ayaa albaabada u laabay xaruntii Khayriyada ee xisbiga NUF.

Dhexdhexaadintii ingiriiska ee labada garab

Labadii garab ee NUF u kala qaybsanayaa ayuu ingiriisku isugu yeedhay. Ka dib ingiriiskii ayaa wuxuu yidhi garabkii haysta taageerada shacabka ayaa la wareegaya xarunta xisbiga ee Khayriyada. Markii la isugu yimid goobtii ayaa ay teegeero bateen garabkii ka soo horeejaday guddoomiyaha iyo xoghayaha.

Garabkii taageera batay oo ku dhawaaqay xisbigii SNL

Markii ay garabkani ku dhawaaqeen xisbigan SNL ayaa lagu wareejiyay xaruntii Khayriyada, halka xisbigii ku hadhay NUF ay kiraysteen guri waqooyi kaga began fooqa oryatanka.

C.     Xisbigii SNL

Xisbiga SNL waxa la aas-aasay sannadkii 1956-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Xaaji Cumar Aska, halka xoghayaha guudna ka ahaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xubnihii horoodk ka ahaa waxay ahaayeen: Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Shaqalle, Cumar Hadraawi, Duqsi, Cali Maygaag Samatar. Xisbigani wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Somaliland. Xisbigani wuxuu markii dambe noqday kii ku guulaystay xubnihii ugu badnaa ee Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1960-kii.

Khilaafkii xisbiga kala qaybiyay

Markii xisbigii SNL ku guulaystay Doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland horaantii sannadkii 1960-kii. Ayuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay xisbiga. Khilaafkani wuxuu salka ku hayay laba arrimood oo kala ahaa:

ü  In qorshe loo sameeyo qaabka midowga dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, oo aan lagu deg-degin in toos loola midoobo Soomaaliya.

ü  Iyo koox aaminsan inaan shuruud lagu xidhin wax qorshe ahna la samayn, oo si deg-deg ah loola midoobo Soomaaliya, maadaamoo walaaleen ay diyaar inoo yihiin.

Labadan fikradood ayaa u kala qaybiyay xisbigii laba garab, oo si weyn isu haysta, oo aan dabka kala qaadan.

Dhexdhexaadintii labada garab

Xubno ka tirsan xisbiga oo labada fikradood midna taageersanayn ayaa isu-xilqaamay inay isu-soo jiidaan labada garab. Markii khilaafku meel weyn marayo ayay dhexdhexaadinta ku soo biireen odayaashii ugu caansanayd reer Hargaysa. Labadii garab ayaa ku gacan saydhay qorshihii labada dhinac la isugu keeni lahaa. Isagoo khilaafku halkaasi maraya ayay dhacday midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya. Taasina waxay keentay in xubnihii Baarlamaanka ee SNL ay laba garab u kala fadhiistaan xaruntii Baarlamaanka. Halkaasina waxa ku burburay midowgii xisbiga SNL.

D.     Xisbigii USP

Xisbigan USP waxa la aas-aasay sannadkii 1958-kii. Xubnihii aas-aaska ka ahaa xisbigan waxay ahaayeen: Jaamac Muxumed, Cabdale Xaaji Faarax, Xaaji Ibraahin Nuur, Xaaji Cilmi Samatar iyo Xaaji Daahir Cilmi. Xubnahani waxay ka kala socdeen magaalooyinka Boorama iyo Laascaanood.

Khilaafkii xisbiga kala qaybiyay

Horaantii sannadkii 1959-kii ayuu khilaad xoogani ka dhexqarxay laba garab oo kala taageersanaa labadan fikradood:

v  In xisbiga USP la balaadhiyo oo taageerayaal laga samaysto  magaalooyinka waaweyn ee Hargaysa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo.

v  Iyo koox taageersanayd inaan loo baahnayn is-balaadhin, ee lagu koobnaado magaalooyinka Boorma iyo Laascaanood.

Arrintaasi waxay keentay in loo kala jabo laba garab, taasoo keentay inay fikirka ku kala tagaan. Dhexdhexaadintii ayaa guuldaraystay. Aakhirkiina waxay u kala qaybsameen laba garab, inkastoo aanay laba xisbi u kala qaybsamin.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

 

B.A in journalism

 

Haragaysa, Somaliland

 

calicoomay@hotmail.com

 

xigasho:

 

Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed……………….. Cali Jaamac Qalinle

 

Taariikhda Maantu, waa siyaasadii shalay……… Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka)

 

Geeddi-nololeedkii Yuusuf X. Adan………………….Foosiya Yuusuf .X Adan

 

 

 

La soco qaybaha dambe

Exit mobile version