WAJAALE NEWS

Sanad Guuradii 37-Aad Ee Dhismaha Ciidamada Jamhuuriyada Jabuuti Oo Lagu Qabtay Magaalada Beledweyne.

ciidamada d jabuutiHargeysa(Wajaale News):-Waxaa maanta oo Jimce ah Xaflad balaaran oo lagu xusayo sanadguurada 37aad ee dhismaha ciidamada Jamhuuriyada Jabuuti lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa ah halka ay ku taal xarunta ugu weyn ee ciidamada Jabuuti ee kamid ah ciidamada nabad illaalinta Midowga afrika ee Amisom.

Ciidamada Jabuuti ayaa xuskan si gaar ugu xasuusanaya askartii uga dhimatay hawlgaladii kooxda al Shabaab looga saaray qeybo kamid ah gobalka Hiiraan iyo nawaaxigiisa. Askartii ugu badnaa ee ka dhinta ciidamada Jabuuti ayaa ahaa kuwii lagu dilay bishii Maarso weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel ku yaal magaalada Buulo Barde oo sanadkan laga saaray kooxda Al Shabaab.

Xuskan ayaa kusoo beegmaya xili labo asbuuc laga joogo weerarkii ugu horeeyey ee ismiidaaminta ahaa oo ka dhacay dalka Jabuuti, weerarkaasi oo ay sheegteen kooxda Al Shabaab ayaa lagu tilmaamay mid aargudasho ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email;habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version