WAJAALE NEWS

Maxaa u sababa ah khilaafka xusbi xaakimka iyo xukuumadiisa; Qalinkii cabdi bedel cumar

HARGEISA(Wajaalenews);Intabadan dadku waxay la jahawareeren  buuqa, sawaxanka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogmay xukuumad iyo xisbigeedii, khilaafkaasoo sababay in xukuumad iyo xisbigeedii oo isu marinaya doodaha siyaasi ama sharci ee ay kumuransan yihin si ay bulshadu uga garnaqdo.

Hadaba markaad aragto habdhaqanka ay doodahaasi udhigan yihiin ee ay kamid tahay habka ay xukuumadu umarayso ka jawaabista doodaha kaga imanaya xisbigeeda ee ay ka mid yihin xadhiga lagula kacayo cidkasta oo kor uqaada ama taageerta dooda ay qabaan hogaanka xisbigu iyo taageerida Musharaxnimada Muuse Biixi,

Iyo in aan labaahin oo aanay baahin warbaahinta afka xukuumada ku hadashaa warsaxaafadeedka ama dhawaaq kasta oo ka yimaada xafiiska xisbi xaakimka, taasi waxay sababtay inay bulshadu ku dawakhdo sidan ay wax usocdaan.

Waxaan hadaba qalinka uqaatay inaan cabiro fikirkayga ku jahaysan arimahaas aan kor kusoo xusay, anigoo ka duulaya dhacdooyin ina soo maray iyo wax yaabihii saxaafadu ka tidhi.

Khilaafka udhaxeeya xukuumada iyo xisbi xaakimkeedu ugu horayn wuxuu salka ku hayaa rabitaan iyo damac kursiga dalka ugu sareeya ee dalkan aynu ku dhaqanahay ee somaliland, hadaba waxaa iswaydiintu tahay horeba waa loo arki jiray damac noocan oo kale ah maxa keenay in xaaladu gaadho halkan ay marayso maanta ? ee ah in saqdhexe guri maati dagan tahay dhawr iyo toban baabuur oo ciidan lagu weeraro sidii 2005 kii gurigii argagaxisadu ku jirtay ee kuyaalay meel udhawayd guriga Wasiirka Daakhiliga ee xukuumadan Siiranyo,

Si aynu jawaab ugu helno su’aashaas waxaad dib ugu noqotaa markii ay xukuumad siraanyo lasoo magcaabay goleheedii wasiirada ee ugu horeeyay waxa dalka yimi Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya waxaanu lakulmay xubno wasiiro iyo madax kale oo katirsanaa magaacabistaa imikana xukuumad ka tirsan, saxaafadu waxay qortay safarkaa safiirku inay dulucdiisu tahay inay jiraan ashkhaas magacaabistaa ka mid ah loo tuhun sanyahay xubno lala xidhiidhinayo ururada argagixisada, waxaa kaloo jiray warar badan oo laxidhiidha arimahaas oo ay warbaahinta dalka iyo ta dibaduba lagu baahiyay intii ay xukuumadan siraanyo dhisnayd, tii ugu danbaysay ee ay baahiyaan waxay ahayd hadalkii ka soo yeedhay Wasiirku xigeenkii xukuumada siraanyo uqaabilsnaa amniga dalka oo ah meesha qudha ee laga heli karo xog kasta oo kusaabsan amaanka.

 

Hadaba arimahaas oo dhan oo jira iyo qaar kale oo aan la baahin laakin loo soo bandhigay Madaxwayne Ahmed islamarkaana aanu talaabo ka qaadin halistaa la sheegay iskabadaaye aad arkayso awoodaha ay leeyhiin ashkhaastaasi, waxaa loo fahmi karaa inay xukuumad siraanyo noqotay qalcad lagu dhuunto hadii qalcadaa lawaayo oo xukuumada Madaxwayne Ahmed Maxamud meesha ka baxdo, dalku noqdo qalcad kale oo limid ah taa ka jirta muqdisho, anoo ka shidaal qaadanaya hadalkii kasoo yeedhay wasiir kamid ah Xukuumada Siiraanyo mar uu ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ay wadjirka uqabteen xubnihii uu Madaxwayne kuxigeen, Xooghayaha Xisbul xaakimka iyo wasiiradu ee ay ku shaacinayeen kalfadhiga golaha dhexe ee xisbul xaakimka ee ahaa Hooyadii ilmaheeda lagu qabsaday ee markii xaakinku ka garnaqayay arintaa uu ku yidhi ha la idiin kala gooyo ee tidhi yaan la kala goyne qofka kale ha qaato, anagu dhawr jeer ayaanu sidaasi si lamida Muuse usamaynay anagoo laxejeclaynayn xusbiga laakin hada waa naloo kala jarayaa, markuu leeyahay anagu muxuu ujedaa?

Halkaa waxaad ka fah i kartaa in la gaadhay waqtigii qalcadii labaad oo la dhaafay qalcadii xukuumada.

Hadalkayga waxaan kusoo ururinayaa talo ahaan usoo jeedinayaa Bulshada reer Somaliland in aan dhinac qudha laga eegin khilaafka Xukuumada Iyo Xisbiga ay ka dhalatay sida ay Dad badani u arkaan oo ah Inuu yahay damac kursi oo qudha oo udhexeeyaya Madaxwayne  Ahmed Siraanyo iyo Muuse Biixi, ee laga fakiro dhinacyo kale oo ay ugu horayso qalcadahaa aynu kor kusoo sheegnay.

 

Allah Mahad Leh

Qore:  Cabdiraxman Bedel Cumar

 

Exit mobile version