WAJAALE NEWS

Hirdanka Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Saamayn Intee Leeg Ayuu Ku Yaalan Kartaa Xawaalada Dahabshiil???

HARGEISA(Wajaalenews); Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay bilaabeeen dagaalka qaawan ee ay ku hayaan mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaashiisa iyadoo sida laga wada warqabo dad lagu xidhxidhay isla markaan khasaare loogu gaystay sawirka muuse biixi oo ay ku dhijiyeen baabuurtooda magaalada  hargaysa sidoo kale waxaa xaaladaasoo kale maanta ka aloosan tay magaalada berbera  waxaana la sheegayaa in magaalada berbera maanta sawirka muuse biixi la kala siisanayay 30 dollar kadib markii gaadiid ay ku dhajisnaayeen askarta boolisku ka goo gooyeen sawiradii muuse biixi

DAHABSHIIL

Hadaba  xawaalada Dahabshiil oo iyadu ah mid  mus dambeedka u fadhida xukuumada madaxweyne siilaanyo isla markaana  door weyn ku leh magacaabista  wasiirada madaxweyne siilaanyo  ayaa waxay tani dhaxalsiisay in  bulshada ka soo jeeda beesha dhexe (Habar-Awal) ay gebi ahaanba go,aan qaataaan ah inay ka wada saartaan cid kasta oo ay lacag u taalay  xawaalada dahabshiiil oo ka soo jeeda beeshaasi isla markaana gebi ahaanba qaadacay gudo iyo dibadba adeegsiga xawaalada dahabshiil  iyagoo u aanaynaya inay qayb ka yihiin  khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo madaxweynaha somaliland Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

 

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa haday sidan ku sii socoto saamayn xoogan ku yeelan doonta shaqada xawaalada dahabshiil waxayna tani fursad u noqonaysaa xawaaladaha kale oo suuqoodu xaami noqonayaa  sida xawaalada oomaar iyo kuwa kale

WAJAALENEWS DESK

BARBERA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version