WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Dalka Jabuuti Ku Hanbalyeeyay Xuska Maalinta Qaranimada Dalkaas.

Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE

HARGEISA(Wajaalenews) ;Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawlada Djibouti  iyo shacabkeeda xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda ka qaateen gumaystihii faransiiska(France),

Gudoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo.

Gudoomiyaha kulmiye wuxuu  Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti.

Gabagabadii wuxuu Gudoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka  37jirsaday ee ay ku naaloonayaan  manta, isagoo u rajaynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi 

Exit mobile version