WAJAALE NEWS

Fadliga iyo soonka Bisha ramadaan-1 aad Sh. Jaabir

Alxamdullilaah inaga yeelay kuwa ka mid noqday dadka nasiibka u yeeshay in lagu simo gaadhista bishan ramadaan ee barakaysan,runtii taasi waa mid allaah loogu mahad naqo, intaas kadib hadii aan ka hadalno waxa bishan barakaysan ee ramadaan ay inaga mudan tahay in laga yidhaahdo,waxaan ugu horayntii faahfaahin iyo sharaxaad ka bixinayaa intii allaah inaga karsiiyo macnaha guud ee bisha ku dhex jira iyo ayaamaha kala duwan ee dhexdeeda dhaca waxay wataan iyo sida ay diinta islaamku ku macnaysay fadliga soonka bisha ramadaan.

 

Macnaha soonka luqad ahaan waa kagaabsi shay{macnaha ugu dhawaan}

Sharci ahaana waa ka gaabsi shay ku afurinaya oo la cayimay kaasoo ku tilmaaman sharciga.

 

“inkastoo aanay isleekayn luqada cariba iyo tan somaligu marka la doonayo eray macnihii hadana waa sida ugu dhaw ee la dhiraandhiray xaga luuqada”

 

soonka bisha ramadaan waa waajib si cad oo la ogyahay diinta ugu muuqda cidina aanay jaahil ka ahayn maanta taasi oo cida diidaa waajib nimadiisa ay tahay cid gaalo ah, waxaanu waajibaa marka ay sodonka shacbaan dhamays tirmaan ama la orko bisha ramadaan bilashadeeda,waxaana soonku ku waajibaa qof kasta oo islaama,caqli fayaw,kasoo baxay shuruudihiisa,

marka aad garatay islaam,waxaa loogala jeedaa caqli fayaw,inaanay waaliyi jirin iyo caruurnimo aanay wali garashadii dhamays ahayn,in kastoo hadana ilmaha la farayo inuu soomo isagoo todoba sanno jira haduu karo .ta kale ee sadexaad ee ku saabsan shuuradan waxaan ugala jeednaa wixii kaa mamnuucaya inaad soonto ee ay kamid tahay in qoftu daahir ka noqoto xayd iyo dhiig dhalmo, waxaa kale oo iyana soo raaca shuuruudaha kuwan ay kamidka yihiin qofka buka oo loo baneeyay inay iska afuraan iyagoo dareemaya xanuun aad u culus owgeed,iyo qofka safarka dheer ku jira ee qarfo mareenka ah,waxaanay sadexdan kala ah qofka buka kan safraya iyo tan xayday ku jiraan dadka qalaha lagu leeyahay marka la kala qaado hadii aan gooni usoo qaadano qofka buka waa inuu yahay mid qaba xanuun rajo uu ku bogsanayo leh hadii kale wuxuu bixinayaa quudin masaakin oo u dhiganta soonkiisii,waanaynu sharxi,sidoo kale ruuxii dumar ah ee uurleh ama jaqsiinaysa ilmo hadii ay u baqaan naftooda ama ta ilmahooda iyana way iska afturi waanay qalayni,hadii la kala qaado labadaas dumara tan u baqatay ilmaheeda ee iska afturtay way qalayni waxaanay raacin quudin masaakiineed, ogow waa arrin lagu kala tagay xaga culimada markaad eegto ama kutubta, sidoo kale qofkii waynaa ee isna aan soomi karayn ayaa lagu leeyahay quudin miskiin,

aan u leexano xaga waxyaabaha jabiya soonkee runtii anaa taas danbaysiistee waxaan ugala jeedaa in la ogadaado markuu shay xidhmo ee aad fahanto inuu jiro ayuu jabi karaa,ama buri karaa balse shay aan kuu xidhnaynin maxaad ka ogaan waxa jabiya horta xidho miyaanay ahayn?taasi waa taase ogow in soonka ay buriyaan shayo badan oo ay kamid yihiin cunis iyo cabis badheedha ah ama iska matajin iyana ukas ah iyo jimaac ay kulmaan laba qof oo xaas ahi hadh cad,iyo ku gaf uu qofku ku gafo wax sharci darro ah oo ka saari kara xadka ay ugu dhawrsoon yihiim arrimo uu ka mid yahay soonku taasi oo aad arkayso iyadoo bil ramadaan uu qof diinta caayayo ama nabigeena suuban ama allaah wayn,isagoo hadana leh aniga waa la iga danbaajiyee miyaan u kasay isla markaana sheeganaya inuu soonkiisii caadi yahay balse aan ogayn inuu diintaba ka baxay allaah ha inga najjeeyee,ta kale ee iyana ku aftursiin kartaa waa wixii irbad nafaqo leh ee jidhkaaga qadaysiin karta,sidoo kale iyana hadii ruuxii dumar ahayd ay xaydo iyadoo sooman iyana ogow way afturaysaaye,ama wuu ka jabaye,

 

lasoco…..taxane

diyaariye sh.jabir

Exit mobile version