HARGEISA(Wajaalenews) ;Eng daa,uud abiib axmed oo kamid ahaa musharaxiin tii ugu cadcadaa ilaa markii lacodaynayayna ku jirat safka hore gobolka gabiley xiligii ololaha doorashada golaha deeganka kana sharaxnaa xusbiga wadani ayaa talo iyo canaan u soo jeediyay xildhibaanada gabiley kuwaasi oo uu kula taliyay in ay noqdaan kuwa guta shaqdii loo doortay ee ayna noqon kuwa bulshadu ka naxdo marka ay meelahaa kahadlayaa
Waxaan indiin soo jeedinayaa inaad noqotaan kuwa shaqadooda u xora kana badaxbanaantaa kuwa gobolka dib u dhaca u horseeday ee jecel faanka waxayna qaban kana soo horjeeda waxkasta oo u dan ah bulshada reer gabiley, waxaana jeclaan lahaa saaxiibayaal in aad ka shaqaysaa balanqaadyadii aynu ku taami jirnay xiligii aynu kursi doonka ahay waa in aynu ka dhabaynaa riyadeenii waxqabad waxaanad ku sifoobi doontaan hadba sida aad wax u qabataan..
Sidoo kale waxaa wax laga xumaada uu ku tilmaamay mudanayashii shirka jaraaid kuqabtay magalada hargaysa ee ku qaban kari wayay magaaladii loo doortay in ay ka arimiyaan taasi waa mid luminaysa kalsoonidii layni siiyay sidee ayaa lagu aamini karnaa in aad wax badalaysaan
taasi waxay cadaynaysaa in u jeedadinu tahay un in qofla badalo ee aanay ahayn in wax lasoxo
marnaba bulshadu idinka yeelimayso in aad ku tumataan masiirka umada ka xilka haya iyo ka doonaya in u wax badalaba. gabileyna waxay u baahan tahay wax qabade uma baahna cidku dulmoranta.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM