WAJAALE NEWS

Brazil Oo Rigoodhayaal Ugu Gudubtay Wareega 8-da Koobka Aduunka Daawo Sawiro;

Xulka wadanka Brazil oo ku sigtay in laga reebo koobka aduunka ee ay marti gallinayaan, ayaa rigoodhayaal 3-2 ah kaga adkaaday xulka Chile , sidaasna ugu gudbay wareega 8 da ee koobka aduunka.

David Luiz ayaa hogaanka u dhiibay Brazil qaybtii hore ee ciyaarta , shabaqana ku hubsaday goolkii koowaad, kahor intii aanu barbar dhaca u dhalinin Chile, weeraryahanka naadiga Barcelona Alexis Sanchez.
Qaybtii horena wuxuu ku dhamaaday 1-1 , qaybtii dambe ee ciyaartana isbedel laguma samayn Natiijada, waxaanay labada dhinacba isku dayayeen inay gool keenaan, laakiin xataa 30 kii daqiiqo ee lagu daray ayaanay suurto gallin in wax la kala dhaliyo.

Si loo go’aamiyo cida gudbaysana , waxaa loo dhigay rigoodhayaal , taas oo Brazil guushu ku raacday 3-2, waxaana ku guntaday oo 2 goolna qabtay midna Birtu ka celisay goolwadaha qaranka Brazil ee Julio Cesar oo Geesinimo badan muujiyey.

Sidaas ayaanay xulka tababare Luis Flip Scolari ku noqdeen , xulkii ugu horeeyey ee u baxa wareega rubuc dhamaadka koobka aduunka ee sanadkan ka socda Brazil.

 
Exit mobile version