WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay oday-dhaqameed ka yimid Somalia

HARGEISA(Wajaalenews)Illaa 50-Oday dhaqameed oo ka yimid Muqdisho ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo xukuumadda Somaliland ay markii ugu horreysay ka hadashay safarka waxgaradkan Muqdisho ka yimid.

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta cadaysay inay ujeedsada socdaalkoodu yahay inay wax-ka-bartaan qaabka nabadda loo dhaliyo iyo inay Somaliland ugu hambalyeeyaan nabadda iyo horumarka ka jira.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in madax dhaqameedkani  maanta la kulmeen madax dhaqameedka Somaliland, isla markaana ka wadda hadleen qaababka nabadda loo sameeyo iyo sida bulshadda loo heshiisiiyo.

“Horta qolada ka timid Soomaaliya waa 50 madax-dhaqmeed waxaana ay ka socdaan shacabka Soomaaliya,waxayna ay isugu jiraan madax-dhaqmeedyo, ganacsato iyo odayaal kale, laakiin socdaalkooda waxa ugu weyn in ay arkaan Somaliland waxa ay qabsatay kuna hambalyeeyaan waxna ka bartaan”ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ka hadlayey ujeedada socdaalka madax dhaqameedka Soomaaliya ka socda.

“Madax dhaqameedyada dhigooda ah ee Somaliland way is arkayaan oo casuumaddii ugu horeysay ee qadadda ahaa waxa u sameeyey madax dhaqameedka Somaliland oo isku dhan, laakiin waxa ugu muhiimsan ee ay inaga baranayaan waxa ay noqonaysa sida nabada loo sugo oo kaliya”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxayna innaga baranayan sida nabada loo sugo iyo sida Somalilandnimadda loo ilaashada, si ay u ilaashadaan soomaliyanimadooda iyo sida nabadda loo dhaliyo”.

Sidoo kale, waxaa isaguna imaanshiyaha odayaashan wax ka waydiinnay gudomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladda Somaliland, Cali Yuusuf wuxuu kala socdo, isagoo xusay inaanu illaa hadda ogeyn ujeeddada safarkooda; balse uu shaqsiyan soo dhaweynayo odayaasha maadaama aanay siyaasiyiin ahayn.

“Madax dhaqameedkaasi inoo yimid waynu so dhoweynaynaa, waayo siyaasiyiin maaha waa odayaaal soomaaliyeed,inagu wakhtigii abaartu ku dhacay odayaal iyo lacagba waynu u dirnay, marka in la is kaashado waa loo baahan yahay waxay la yimaadaan uun baynu eegayna”ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Cali Yuusuf oo wax ka waydiinay odayaashan booqashada ku yimid magaaladda Hargeysa.

Mar uu ka jawaabayey inay madax-dhaqameedkani u socdo inay Somaliland la midowdo Soomaaliya waxa uu yiri: “Ka hordhici maayno waxay la socdaan laakiinse waynu ogaan doonnaa, go’aankeenuna wuu cadyahay oo aduunka iyo iyaguba way ogyihiin, laba dawladood oo jaar ah oo walaalo ah ayaa ka wanaagsan dawlad la mideeyo oo la isku keeno oo dhexdeedda is cunta horana way u dhacday”.

Maalmihii u dambeeyey ayaa warbaahinta Somaliland wax ka qorayeen imaanshiyaha wax-garadkan reer Muqdisho, waxaanay ahaayeen kuwo laga warqaba, waxaana casuumaddii ugu horeysay u sameeyeen madax dhaqameedka Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version