HARGEISA(Wajaalenews);Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ay idaacadda BBC-du wax ka waydiisay sida ay u arkaan shirweynaha kulmiye ayaa wuxuu sheegay inay u arkaan in shirweynaha kulmiye yahay shir beeleed waxanu yidhi “waxanu u aragnaa in shirkoodu yahay shir beeleed oo ay ka baxeen qaab ay lahaayeen axsaabtu oo ay qaab beeleed u badaleen, waxanu rajaynaynaa inay kusoo noqdaan qaabkii iyo nidaamkii xisbiyadu ay lahaayeen”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga waddani
Xoghayaha Guud ayaa sheegay hadii ay kulmiye kusoo xuli lahaayeen ergooyinkooda qaab gobolo iyo degmooyin inay noqon lahayd qaab fiican waxanu yidhi “runtii dagmooyinka iyo gobolada lagu soo xuli lahaa ergooyinka waxay noqon lahayd qaabkii loogu talogalay, laakin kan waxa lagu soo xulay qaab ah reer hebeloow intaas keena taasina waxay ka baxsantahay nidaamka iyo shuruucda dalka iyo dimuqraadiyadii uu dalkani doonayey inuu hiigsado” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga waddani
Xoghayaha guud isagoo sharaxaad ka bixinaya sababta Somaliland looga hirgaliyey nidaamka axsaabta badan wuxuu yidhi “xisbiyada waxaa loo sameeyey in lagaga baxo beelaha waana nasiib darro runtii in maanta xisbiga Kulmiye beelo soo xusho, markii Cigaal ku dhawaaqay nidaamka xisbiyada badan, sababta ugu weyni waxay ahayd inuu dalku kaga baxo beelo, in maantana dib loogu celiyo waa nasiib darro” ayuu yidhi Uurcadde
Xoghayaha Guud ayaa sheegay in shirweynaha kulmiye ay ka buuxaan shaqaalihii dawladda waxanu yidhi “runtii waxa cad oo aad arkaysaa in shaqaalihii dawladu ka buuxaan, Somaliland way istaqaan, arrintaasina waxay baal marsantahay xeerarkii dalka” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM