WAJAALE NEWS

“Waxaa La Rabaa In Aynu Badbaadino Xaalada Ay Somaliland Gashay Afartii Sanno Ee Ugu Dambeeyay” Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka UCID.

ucidHargeysa(Wajaale News):-Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID C.Rashiid Xasan Mataan ayaa ka hadlay Xaalada guud ee Dalku Marayo.

Sidoo Kale waxa uu ka hadlay Cabdirashiid Xasan Mataan Khilaafka Xisbiga KULMIYE,Sidaasina waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi Soo gaadhay Mareegta Wajaalenews.com kaas oo u dhignaa Sidan:.

“Hiilkii shacbiga iyo hamigii lagu doortay KULMIYE wuxu lumay markii ay u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan taladii dalka.  Afar sano ka badan ayaa laga hadlayey oo mucaaradka iyo bulshada rayidku cod dheer ku sheegeen, mar qudhana lagama aamusin lamina qarin halista ka iman karta, hase yeeshee Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye mar qudha lagama helin garawshiiyo, waxaana bannaanka la dhigay waxgaradkii kulmiye ee yidhi aynu isa saxno waxbaa inaga qaldane, sida Mohamed Abdulqaadir, Boobe Yusuf, Mohamed Hashi iyo kuwo kale – intaaba hoggaanka Kulmiye erigooda raali buu ka ahaa.

Wixii aan daacad ahayn badabada ayuu ka xumaan, shacabka S/Land lagu khalkhalgalinmaayo is-eryadaan loo baahnayn iyo xaalad abuur, kii ku soo baxa musharaxnimada kulmiyaba shacabku wuu kadharagsan yahay hogaankooda iyo habdhaqankooda maamul.

Xadhig iyo ciidanka ammaanka oo laga horkeeno shacabku ma noqonayso wax keeni kara cimri dherer.
Hay’adaha sharciga iyo garsoorkuna waa in ay dhex kanoqdaan muranka dhexmaraya xisbiga kulmye iyo xukuumadda uu dhalay.

Golaha wakiiladu ha xasuusteen in badbaada dadal ku ku jirto in sharciyadda dib loogu noqdo, Xukuumaddan waqtiga u hadhay wuu koobanyahay, ololaha cusub ee ay kujirtaa wuxu qaran-jab ku keenayaa S/land,waa lagama maarmaan in aad ka hortagtaan in aan dib ugu noqono halkii aynu ka soo bilownay 1991 iyo shirbeeleed; waxa lagaga hortagi karaa waa in baarlamaan ku xaalad dadalka ka doodosi waddaniyad iyo daacadnimo kujirtona u qiimeeyo oo guddiga dhaqaalaha iyo kuwa amnigu soo saaro hawgal lagu xakamaynayo in aan hantida ummadda iyo awoodda dalka loo adeegsan burburintooda, fiirogaar ah la siiyo Dekedda Berbera, Wasaaradda Maaliyada, hay’adaha dakhliiyo hayadaha ku shaqada leh amniga– taasaa badbaadada dalku ku jirtaa.

Hay’adaha nabadgelyada iyo garsoor ku waa hay’ado mudan sharafkooda iyo karaamadooda, ha dhowreen xaqsoor ka iyo xuquuqda xukumadu ku leedahay iyo ta shacabku ku leeyahayba.

Golaha Guurtida iyo hoggaankooda ugu sareeya gaar ahaan Mudane Sulayman waxan u soo jeedinayaa Sharciga ERGO laga magalo, dalka waxa dantiisu ku jirtaa in sharci la isudhaqo ee aan la eegin danahagaarka ah, wixiii naga qaldan aan sharciga u marro.

Guud ahaan waajibka ina saran waaad kaynta iyo xoojinta ammaanka iyo nabadda, xadhigga iyo cago juglayntu meel ma gaadho awooddu waxay ku jirtaa rabitaanka shacbiga, sidaa darted yaan qof jeclaysiin oo noqon bartilmaansi, taasaa dalka badbaadadiisu ku jirtaa; ka fakara mustaqbalka iyo ciddaaad ku aamini lahaydeen hogaan ka aad rabtaan inuu idiin adeego si aynu uga badbaadno xaaladda S/Land gashay afartii sano ee u dambeeyey.

S/Land Allow dhowr.
Cabdirashid Xasan Mataan
Musharaxa M/W/Xigeenka Xisbiga UCID

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version