WAJAALE NEWS

Musharaxa Madaxweyne Iyo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga New Ucid Oo Si Kal Iyo Laab Ah Loogu Soo Dhawayey Magaalada Borama.

BORAMA WAJAALENEWS Waxa maanta magaalada borama ee xarunta gobolka awdal lagu soo dhawayey musharaxa madaxweyne iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha maaliyada ee xisbiga iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Ucid.

Hadaba masulliyiinta ka tirsan xisbiga Ucid ayaa waxa soo dhawayntooda ka qayb qaatay gudoomiyaha ku xigeenka koowaad ee xisbiga wadani,xildhibanada golaha deegaanka ee degmada borama iyo bulshaweynta kale duwan ee ku nool magaalada borama isla markaana laga hortaagay duleedka garow yacawl.

Iyaga oo waftigan intaasi ka dib loo soo galbiyey magaalada borama iyaga oo ay heerara wadooyinka halbawlaha uu ah magaalada borama ay tubnaayeen kumaanka qof ee ku nool magaalada borama oo ay lulayeen caleemo qoyan.

Ugu danbeyntii waftigan ay hogaaminayeen musharaxa madaxweyne iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ay ku soo biyo shubteen xarunta xisbigu uu ku leeyahay magaalada borama halkaasi oo ay ka dhacday munaasibad aad uu balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kale duwan.

Wxa halkaasi ugu horeyntii ka hadashay faadumo siciid oo ah Xoghayaha  maaliyada ee xisbiga Ucid waxa ayna kamara  kacday.

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Mudane Axmed Muumin Seed oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Musharaxa Madaxweyne Ku xigeen Ee Xisbiga Ucid Prof.Abdirashiid Xasan mataan Oo Halkaasi ka Hadlay ayaa waxa ay bulshada reer awdal ay ku bogaadiyeen sidii milgaha alahayd ee ay uu soo dhaweeyeen Magaalada Borama.

Si kastaba ahaate Soo dhawayntan balaadhan ee maanta maagalada Borama Loogu samayey Masuuliyiintan Ka Tirsan Xisbiga Ucid ayaa waxa ay noqonaysa soo dhaweyntii abid ugu Balaadhanayd Ee Xisbiga Ucid Loogu Sameeyo Magaalada Borama Balse waxa Xusid Mudan In Ciidan Amaanku Ee magaalada Borama ay ahaayeen Kuwo Heegana Oo si adag Uu Ilaalinayey Amaanka Iyaga Soo Dhaweynta Loo samayey Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ay Ku soo Dhmaatay Jawi adag Oo ay Ku Dheehan Tahay Farxad.

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

 

Exit mobile version