WAJAALE NEWS

War Deg dega : “Ma Ogolin Liiska Golaha Dhexe Iyo Guddida Fulinta Ee Ay Ku Dhawaaqeen” Muuse Biixi

, (Wajaalenews) — Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si Adag uga hadlay Liiska Xubnaha Golaha  Dhexe iyo guddida fulinta ee ay ku dhawaaqeen Shirguddoonka Shirweynihii 3aad ee Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha KULMIYE,oo maanta la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in aanay ogolayn Tallaabadan lagu shaaciyay Xubnaha Golaha Dhexe iyo guddida fulinta.

Muuse Biixi,oo Arrimahani ka hadlayaa waxa uu yidhi “ma ogolin Liiskan golaha dhexe iyo guddida fulinta ee lagu dhawaaqay Xisbiga KULMIYANA ma ogola,guddida soo saartayna waa Shirguddoonkii Shirweynaha,Shirguddoonkaasina waxa uu la cimri ahaa labadii Cisho ee shirka, Awood ay guddi fulineed iyo Gole dhexe ku shaaciyaana malaha”

Waxaanu yidhi “Marka hore waa sharci darro mana ogolin, Xisbiguna ogolaan mayo, Guddida soo saartay (Liiska Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye) waa shir-guddoonkii shirweynaha. Shir weynaha, Shirguddoonkiisu waxa uu la dhamaadaa shirweynaha, shirweynuhuna laba  cisho ayuu ahaa, labadaas cisho ayaanay awoodoodu ku dhamaatay” ayuu yidhi.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version