WAJAALE NEWS

Tahriibayaal Ku Dhinatay Saxara Lamadeegaanka Ah Ee U Dhexeeyay Dalalka Suudaan Iyo Liibiya

Sudan(Wajalenews)Dad Gaaraya 9 Ruux Oo Tahriibayaal Ah Ayaa Ku Dhintay Lama Degaanka U Dhaxeeya Dalalka Sudan Iyo Liibiya Kadib Markii Ay Ka Baxsadeen Kooxdii Waday Ee Ka Ganacsada Tahriibta.

Dadkan Oo Ka Badnaa 300 Qof Oo Kusii Jeeday Dalkaasi Liibiya Ayaa Waxaa U Gurmaday Ciidamada Dowlada Sudan Oo Dadkan Ka Helay Goobtii Looga Tagay, Sida Uu Sheegay Afhayeen U Hadlay Ciidamada Sudan.

Dadkan Ayaa Isugu Jiray Kuwo Kasoo Jeeda Dalalka Sudan, Itoobiya, Eritereya, Bangaladheesh, Pakistaan. Sagaalka Qof Ee Dhintay Ayaa La Sheegay Inay Kasoo Jeedaan Sudan, Walow Aan La Ogeyn 300 Ee Qof Ee Lasoo Badbaadiyey Inay Ku Jiraan Soomaali Oo Kamid Ah Dadka U Tahriiba Dalka Liibiya.

Kooxaha Ka Ganacsada Tahriibta Oo Ah Kuwo Aan U Naxariisan Dadka Ay Kaxeeyaan Ayaa Lacago Badan Ka Qaata Qof Walba, Waana Kooxo Kala Duwan Oo Wadashaqeyn Ka Dhaxeyso, Iyadoo Ay Dhacdo In Marar Badan In Kooxahaasi Ay Ku Heshiin Waayaan Lacag Ay Dadka Ka Qaataan.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

Exit mobile version