WAJAALE NEWS

SHeekh Cabdiqaadir Carab(Sheekh Jaabir) Oo Kamid ah Culimada Hargeysa Ayaa Madexweynaha Ku Hambleyeeyay Dhawaaqii Gudida Culimada Tilmaana Ka Bixiyay Doorkooda iyo Sida Loogu Baahnaa

Sheekh Cabdiqaadir Carab (SH,jaabir) oo nuqul qoraal ah soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka WAJAALENEWS oo uu kaga hadlayo arintan, waxa uu marka hore soo dhaweeyay talaabada iyo go,aanka Madexweynuhu

 

Hargeysa(Wajaalenews)-Sheekh Jaabir Cabdiqaadir Carab oo kamid ah Culimada Magaalada Hargeysa ayaa, soo dhaweeyay dhawaaqii Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud dhawaan kaga hor dhawaaqey khudabad Sanadeedkiisii uu ujeedinayay labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland(Wakiilada iyo Guurtida) kaas oo uu ku sheegay in uu dhawaan sameynayo Gudi Culimo oo ka kooban Culimada dalka Somaliland, waxaanu Sheekhu Faafahin ka bixiyay sida dalka Somaliland ugu baahnaa Culimadaasi Gudida ah ee Madexweynuhu ka dhawaajiyay.

Sheekh Jaabir Cabdiqaadir Carab oo nuqul qoraal  oo uu kaga hadlayo arintan, waxa uu marka hore soo dhaweeyay talaabada iyo go,aanka Madexweynuhu ka qaatey arintaasi ku dhawaaqista Gudida Culimada Somaliland, isagoo dhinaca kalena tilmaan ka bixiyay in ay aheyd arin dastuuriya oo Madexweynuhu dhabaheedii marey qoraalkaas oo dhameys tirani waxa uu u qornaa sidan:

 “Bismilaahi raxmaani raxiim alxamdulilaahi rabbil caalamiin assalaamu calaykum warraxmatullaahi wabarakaatu marka hore waxaan halkan salaan iyo hambalyo ugasoo jeedinayaa Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mudane madax wayne salaan kadib jasaaka allaah khayr waan soo dhawaynayaa dhawaaqaagii xeer distoor ee dhismaha magacaabista gudi culimo oo qaranku yeesho waana wax dadku ku diirsaday gaar ahaan cidii culimo ah waana qodob loo baahnaa oo in badan qabyo ka ahaa dhamaystirka distoorkeena iyo fulinta dhamaan xeerarkiisa,  allaah hakuu fududeeyo adiga iyo cidii kale ee arrinkaasi khuseeyo, mida kale waxaan naseexo usoo jeedinayaa cida soo xuli doonta gudigaa oo hawl wayni hortaal iyadoo la rabbo in aad looga fiirsado cida wax xulaysa iyo tan lasoo xulayo intaba si loo wax distoorka waafaqsan  waayo waxaa jira kala duwaansho culimo iyo noocyo wadaadadu leeyihiin taasoo inoo badeshay noocii hore ee qudhahaa ee mad- habta shaaficiga haystay waxaana tusaale kuugu filan masaajideedana oo aad arkayso in laga tagay waxyaabo badan oo waligeed diin inoo ahaa sida bisinka,  ducada, qunuuda iyo mawliidka nabiga s.c.w taasi oo khilaafka sunnaha ay weheliso tu caqiido oo halisteeda leh sidaa darteed barrida dhaw looma baahna culimo iska horjeedda oo shacabkan islaamka ah khalkhal galisa taasina waxaa dawo u ah in manta la helo culimo hufan oo dhexdhexaad ah kana madax banaan xisbi, urur, koox, qabyaalad, hunguri.  iyo waxii lamid ah taasina waxaa laga fiirsan karaa oo qudha intaan meesha cid la keenin shaqadan gudi culimo waa mid la rabo in dadka soo doonta aan loo dhiibin ee loo dhiibo cid ka cararaysa xilka oo allaah kacabsi leh dadkuna yaqaanaan waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu u fududeeyo dadka hawshaas gali doona ee loo igmado si dadkan iyo dalkan islaamka ahi uga badbaadaan fidmada diinta oo ka daran tan  qabyaalada wasaalu calayku warraxmatulaah

 

Mahad Illaahay baa Leh Sheekh Jaabir Cabdiqaadir Carab Hargeysa”

WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version