WAJAALE NEWS

Roobab Habeenkii Xalay Ahaa Ka Da,Ayey Gudaha Iyo Nawaaxiga Hargeisa Oo Waxyeelo Soo Gaadhsiiyey Dad Danyar Oo Xukumada Somaliland Dhawaan U Rartay Xaafada Ayax +Sawiro

Hargeisa(Wajaalenews)Iyada Oo Habeenkii Xalay Ahaa Ilaa Shalay Galab Uu Roob Laxaad Leh Ka Da,Ayey Nawaaxiga Iyo Gudaha Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Hargeisa Ayaa Waxa Uu Saamayn Xoogan Ku Yeeshay Roobkaasi Dadka Danyarta Ah Ee Degan Nawaaxiga Magaalada Hargeisa Gaar Ahaan Xaafada Masalaha Ee Koonfurta Magaalada Hargeisa Halkaas Oo Ay Dhawaan Xukumada Somaliland U Rartay Dad Danyar Ah Oo Daganaa Iskuulada Kala Duwan Ee Magaalada Hargeisa Iyo Dhul Dan Guud Ah Oo Ay Dawladu Lahayd,

Iyada Oo Xukumaduna Dajisay Dadkaasi Danyarta Ah Xaafada Cusub Ee Loo Qayaan Ayax (4) Taasi Oo Guud Ahaanba Ka Aradan Baahiyaha As Aasiga Ah,

Roobkan Ayaa Waxa Uu Dhibaaato Xoogan Soo Gaadhsiiyey Guryaha Kala Duwan Ee Xaafadaasi,

Iyada Oo Roobkaasi Uu Gabi Ahaanba Guryahaasi Qaarkood Dhulka Dhigay Halka Qaarkoodna Uu Daadku U Galay Gudaha Guryahii Ay Daganaayeen Dadkaasi Danyarta Ahi Ee Ay Iska Fogaysay Xukumada Uu Hogaamiyo Madaxwayne Siilanyo Iyada Oo Dadkaasi Mar Aan Saaka Booqanay Aan Arkaynay Haweenka Oo Guryaha Dhexdooda Kazoo Dhurayey Biyo Buux Dhaafiyey Guryahii Ay Daganaayeen,

Waxaana Saaka Booqday Dadkaasi Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dib U Dajinta Somaliland Oo Ay Wasaaradoodu Gacan Ku Hanyta Dadkaasu U Qaabilsan Tahay Xukumada Somaliland,

Socdaalkan Uu Agaasimihu Ugu Tagay Dadkaasi Ayaa Ahaa Mid Guud Aanu Waxba Ku Tarayn Isla Markaana Meesha U Tagay Kaliya Indho Indhayn Iyada Oo Xukumada Somaliland Ay Dadkaasi Maatida Ahi Uga Baahnaayeen Gurmad Deg Deg Ah,

Sidoo Kale Gudomiyaha Shirkadii Qaadatay Qandaraaska Dhismaha Guryahaasi Loo Dhisay Dadkaasi Danyarta Ah Ayaa Diiday In Uu Wax War Ah Siiyo Warbaahintii Goobtaasi Gaadhey Waxa Ayna Taasi Keentay In Uu Gacan Ka Hadal Dhex Maro Dadkii Deegaankaasi Iyo Sidoo Kele Gudoomihiyii Shirkada Alla Aamin Ee Dhistay Guryahaasi

 

wajaalenews

 

Hargeisa/office

Exit mobile version