WAJAALE NEWS

Mudaharaad Falastiinyiinta Wax Ka Barta Jaamacadaha Yuhuudu Ku Diidan Yihiin Siyaasad Israel Ku Kala Qaybinayso Daawo Vedio.

Qudus (Wajaale News):- Boqolaal ardayda wax ka barata jaamacadaha Israel ee Falastiiniyiinta ah, ayaa sameeyay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan siyaasada Israel ku kala qaybinayso dadka reer Falastiin gaar ahaan Kiristaanka iyo Muslimiinta.

Araydan oo dibad baxooda ugu wayn ka dhigay, jaamacada Yuhuuda ee magaalada Qudus waxa ay ardayda Masiixiyiinta ah ee dhalashadoodu Falastiiniyiinta tahay ee Israel ciidamada qorto, ku tilmaameen mid lagu kala qaybinayo midnimadood oo la rabo inay isku dhacaan Falastiiniyiintu dhexdood, dhinaca kale madaxda diinta Masiixiga ee Falastiiniyiinta kiristaanka ah ayaa qorshaha Israel ku tilmaamay mid halis ku ah jiritaanka dadka Reer Falastiin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Wariye;Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version