WAJAALE NEWS

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silaanyo Oo Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Degmada Southwark DAAWO SAWIRO

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Degmada Southwark ee London Uk, Councillor Abdul Mohamed oo ay wehelinayeen Cabdifataax Siciid Axmed la-taliyaha Madaxweynaha ee  Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah  iyo  Kuwa Maxaliga ah iyo Mulkiilaha Televisionka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv Mudane Farxaan Xaaji Cali Axmed.

Madaxweynahana waxa ku wehelinaayey Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali.

Sidoo kale waxa uu Maayarku boqasho ku yimid Qasriga Madaxtooyada Shalay 14.05.2014 Isaga oo xafiiskiisa ku Boqday Madaxweyne ku xigeenka ka dibna waxa uu la kulmay Maareeyaha Xafiiska Samafalka iyO la taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version