WAJAALE NEWS

Laba Qarax oo ka dhacay Caawa Caasimada Djibouti

HARGEISA(Wajaalenews);Laba qarax oo waaweyn ayaa caawa ka dhacay suuq Mashquul ah oo ku yaala Magaalada Jibouti ee Caasimada Waddanka  Djibouti.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas waxana ku dhintay inta la og yahay 3ruux oo ka dhacay Makhaayad dadka Ajaanibka ahi ka cunteeyaan, waxaanay warar hor dhac ah oo aan helay ku waramayaan in dhowr qof ku dhinteen qaraxyadaas.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay inay arkayeen dad ka mid ahaa shacbigii ku sugnaa goobta qaraxyadu ka dhaceen oo lala sii cararayo iyagoo dhiig ka daadanayo.Ciidamada Bilayska ayaa la sheegay inay goobta soo gaadheen wax yar kaddib markii qaraxu dhacay

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dawlada iyo Hay’addaha amaanka oo la xidhiidha dhacdadan.

Dalka Djibouti ayaa ka mid ah waddamada Ciidamada Nabad-ilaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya.

Boqolaal ka mid ah Milateriga waddankan ayaa sanadkii hore ku biiray hawl-galka AMISOM.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr jeer ku cel-celiyay inay dagaal adag la gelayaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan waddamada ciidamada AMISOM ku mideysan.Milateriga USA ayaa saldhigyo ku leh Xeebaha dalkaasi.Dawladda Maraykanka iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr usbuuc ka hor cusboonaysiiyey joogitaanka Ciidamada Maraykanka ee Jibouti, kuwaasoo halkaasi kala socon doona dhaqdhaqaaqa Geeska Afrika.

Qaraxyadan ayaa ku soo beegmay saacaddo kaddib markii ay xooggag ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen xarunta Baarlamanka Somaaliya.

Weerrarkan oo ay sheegteen Al-shabaab, ayaa lagu dilay Askar badan oo ka tirsan Ilaaalada xarunta la weeraray.Dad goob-joogeyaal ah ayaa wajaalenews u sheegay inay ilaa saddex Xildhibaan ku dhaawacmeen Weerarkaas, askar badan oo kuwii Ilaalada ahaana ku dhinteen.

WIXII KASOO KORDHA WARARKA JABUUTI IYO KHASAARAHA QARAXAASI

 

Exit mobile version