WAJAALE NEWS

Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada’e;Qalinkii faysal cumar madar

Iyadoo aynu ku jirno maalmihii khayrka iyo nimcada diinteena suuban laynoogu soo dhiibay namigeenii suubanaa (CSW), Ayaa buuq siyaasadeed dalkii jaha wareer ku riday,  anigoo mustaqbalka aaminsan in dalkani marna dumayn, ilaahayna mahad uga calinaya.

Iyadoo dhawaantan warwanaagsan laga sheegayn geeska ayaa xukumadeenii ku mashquulsan tahay siday iskaga celinlahaayeen hogaankii xusbigoodii KULMIYE, ilahaaw na ilaali sidaad horeba noogu dhawratay qarankayaga ugbaadka ah, waxa dhawaantan shicibkii walaac galiyay in dalku dumo iyagoo uga cabsi qaba xukumadii ay mustaqbalkooda ku aamineen , oo ay yidhaahdaan waar ma laga yabaa nimankaasi iyagoo KULMIYE kala jiidanaya in dalkaasi dumo! Cajaaib waar ma bisadii dhasheeda laga ilaalinayaa xukumada SIILAANYO.

Waxaan xasuustay xiligii xisbigii UDUB isburburinayay oo aan katirsanaan jiray tageerayaashiisii ayaa waxan islahaa malaha ragii UDUB go’aan nin qaato kii adkaa oo ahaa guuldaro, aqbalay dumin maayaan xisbigoodii,Waxa Maanta wadadii InaRiyaale kumaarayn kari waayay UDUB maraya Madaxweyne Siilaanyo.

Is-Hurinta KULMIYE Waxa ugu danbeeyay koox wasiiro ah oo Madax-weyne Xiguhu horkacayo oo isku raacay talo aykaga midaysan yihiin Hogaanka xisbi-xaakimka, iyagoo qiraya in uu sifiican udhacay shirweynihii xisbiga ee lagu doortay Hogaankan ay durayaan, iyo iyagoo kalsooni daro ka muujinaya xeerarkii iyodastuurkii xisbigooda oo u yaacaya XEER NO: 14, oo aan islahaa malaha lama gaadhin xiligii la isticmaali lahaa oo ah xiliga uu kala saari waayo Dastuurka Kulmiye. Waxa kale oo ay guruubkan wasiirada ahi ku doodayeen in ay Hogaanka xisbigu Ku haysto Meesha Odayga qaranka haga (ilaahaybaa wax hagee), oo ay muujinayaan in ay iyagu odayga difaacayaan oo ay jacayl ay u qabaan ka hadlinayo, inkastoon usoo jeedinlahaa anigu waar Odaygu imika waxa uu joogaa xiligii uu Jalka u baahnaa iyo in uu cibaadadiisa ilaashado ee hadaad ka naxaysaan malah masaajid meel ku dhaw iyo in aad dardaaran laga gunto kula talisaan ayay ahayd.

Dhawaantan oo dalka rajooyin fiicani ifayeen, ayaad moodaa in xukumadani noqotay sidii Ninkii ri’da lahaa ee uga taag waayay inay isjaqdo,maalintii danbuu go’aanku gaadhay in uu gabigeedaba iibiyo oo saylada geeyo,wuxuu ilahay ka baryaba in aanay isjiqin inta laga iibsanayo ayaa,dilaalkii gacanta u dhiibay laheshii oo lajar qiimihii, iyadoon lacagtii lakala qaadan ayay ri’dii oo isjaqaysa la arkay deedna waxa halkii lagaga noqdo iibkii ri’da.

Hadaba bulshada roolkeedii ayaan isleeyahay wuu maqan yahay, waayo dalki wuxuu in yar u jiraa in uu is-jaqo sida Ridaa aan soo sheegay, waxa u banan shicibku in raygooda cabiraan oo mudaharaado iyo kulano ku muujiyaa, lakiin maaha in ay isku canaantaan codayntii ay u codeeyeen Madaxweyne siilaanyo, sidii marxuumkii  Abwaankii Maxamed Nuur Fadal  tixdii Lib-gad:

Nimankaan lo’daydii casayd, laanta ugu duugey

Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay

Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha

Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane

Markuu sida luwaha (Luo) qaawanaa ee, leylka soconaayey

Ee aad luquska qoodhaha dameer, lulaya moodeysey

Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido

Oo aanan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene

Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada’e

Laxowsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eeday

Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye

Inkastay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso

Leg ninkii siiyey dishaa, liidda doqoneede.

Qalinkii faysal cumar madar (faysal,qunuj)

Exit mobile version